​USA: Donald iyo Clinton oo guulo gaaray

Image

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Mareykanka Donald Trump, ayaa ku guuleystay doorahsooyinkii ka dhacay saddex gobol, oo uu ku jiro gobolka muhiimka ah ee Florida, isaga oo ku qasbay Senator Marco Rubio inuu tartanka ka haro.

Gobolka kaliya ee Trump looga adkaaday waa gooblka Ohio, oo uu ku guuleystay barasaabka gobolka John Kasich.

Ganacsade Trump ayaa gobolka Florida uga guuleystay Rubio 19 dhibcood, hase yeeshee guulihii uu ka gaaray gobollada North Carolina iyo Illinois oo dirqi ahaa, ayaa ka dhigaya in senator Ted Cruz uu qeyb ka heli doono wufuudda.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadigana, Hillary Clinton ayaa ku adkaatay afar gobol oo kala ah Florida, Ohio, Illinois, iyo North Carolina, waxayna ku dhowdahay inay kusoo baxdo magacaabista xisbiga Dimoqraadiga.

Senator Bernie Sanders oo la loomaya Clinton ayaan wax gobol ah xalay ku guuleysan.

Gobolka Missouri, ayaan weli la ogeyn cidda ku adkaatay, maadaama labadii tartan ee dimoqraadiga iyo jamhuurigaba si aad ah la isugu dhow yahay, waxaase wax ka yar hal dhibic ku kala horeeya Clinton iyo Trump.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM