​USA: Donald iyo Clinton oo guulo gaaray

Image

Musharaxa madaxweynaha xisbiga Jamhuuriga Mareykanka Donald Trump, ayaa ku guuleystay doorahsooyinkii ka dhacay saddex gobol, oo uu ku jiro gobolka muhiimka ah ee Florida, isaga oo ku qasbay Senator Marco Rubio inuu tartanka ka haro.

Gobolka kaliya ee Trump looga adkaaday waa gooblka Ohio, oo uu ku guuleystay barasaabka gobolka John Kasich.

Ganacsade Trump ayaa gobolka Florida uga guuleystay Rubio 19 dhibcood, hase yeeshee guulihii uu ka gaaray gobollada North Carolina iyo Illinois oo dirqi ahaa, ayaa ka dhigaya in senator Ted Cruz uu qeyb ka heli doono wufuudda.

Dhinaca xisbiga Dimoqraadigana, Hillary Clinton ayaa ku adkaatay afar gobol oo kala ah Florida, Ohio, Illinois, iyo North Carolina, waxayna ku dhowdahay inay kusoo baxdo magacaabista xisbiga Dimoqraadiga.

Senator Bernie Sanders oo la loomaya Clinton ayaan wax gobol ah xalay ku guuleysan.

Gobolka Missouri, ayaan weli la ogeyn cidda ku adkaatay, maadaama labadii tartan ee dimoqraadiga iyo jamhuurigaba si aad ah la isugu dhow yahay, waxaase wax ka yar hal dhibic ku kala horeeya Clinton iyo Trump.

VOA

Related Articles

Trump oo diiday inuu ka qeybgalo shir-madaxeedkii G20 ee Koonfur Afrika

Shir-madaxeedka G20 ayaa la filayaa in uu yeesho miisaan weyn, iyadoo laga hadlayo arrimaha dhaqaalaha adduunka.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 06:36AM

Turkiga oo amar xiritaan usoo saaray Netanyahu iyo mas’uuliyiin kale oo lagu eedeeyay “xasuuqa” Gaza

Amarrada xiritaanka Turkiga ayaa sidoo kale su’aalo ka keenay doorka ay Turkigu ka ciyaari karto ciidamada amniga caalamiga ah ee Gaza.

  • Caalamka

    08-11-2025

  • 06:48AM