USA: Haweenaydii ugu horeysay oo dil toogasho lagu fuliyey

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka ayaa Talaadada maanta ah waxay dil toogasho ku fulisay haweenaydii ugu horeysay muddo 67 sano kadib. Lisa Montgomery waxaa lagu waramay in la duray cirbadda dhimashadda.

Montgomery ayaa loo haystay dilka haweenay hooyo xaamilo ahayd, Bobbie Jo Stinnett oo ay ceeji ku khaarijisay, iyo cunugeeda oo ay afduubatay.

Kiiska 52-sano jirtan ayaa soo jiitay dareenka dad badan ka gedaal markii ay qareenadeeda ay sheegeen in ay qabtey dhibaato maskaxda ah ayna caruurnimadeeda la kulantey xadgudub jinsiyadeed.

Xukunka dilka toogashadda ah ayaa lagula fuliyey xabsi ku yaala magaaladda Terre Haute ee ka tirsan gobolka Indiana. Fulinta waxay ka dambeysay markii Maxkamadda Sare ay laashay codsi dib-u-dhig ah.

Laba jeer ayaa horey dib loogu dhigay fulinta dilka toogashadda sababo la xiriira qareenadeeda oo doodo kala duwan miiska soo saarey.

Fal-dambiyeedka la sheegay in lagu helay Montgomery ayaa 2004-tii wuxuu ka dhacay ismaamul Galbeedka Mareykanka ku yaala ee Missouri.

Haweenaydii ugu horeysay ee ay toogatay dowladda Mareykanka ayaa ahayd Bonnie Heady taasoo sanadkii 1953 lagu dilay qolka gaaska ismaamulka Missouri, sidda laga soo xigtay Xarunta Macluumaaska Xukunada Dilka Toogashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM