USA: nin 30 sano sugayey in xukun dil ah lagu fuliyo oo lasii daayey

Image
Image
Image
Image

April 5, 2015 (GO)- Nin muddo soddon sano ah ku jirey xabsi ku yaalla gobolka Alabama ee dalka Maraykanka islamarkaana sugayey in lagu fuliyo xukun dil ah, ayaa lasii daayey shalay oo Jimce ahayd kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.

Ninkan oo da'diisu 58 jir tahay laguna magacaabo  Anthony Ray Hinton, waxaa lagu soo eedeeyey in sanadkii 1985 uu diley labo nin oo maamuleyaal ka ahaa hoteel ku yaalla magaalada Birmingham.

Dacwadiisa ayaa dib loogu noqdey sanadkii hore [2014] markaasoo la xaqiijiyey in rasaasta dilka lagu fuliyey aanay ka dhicin qori laga helay guriga Anthony. Sidoo kale qareenkiisa ayaa ku doodey in Mr Hinton xilligii la xukumayey helin difaacii uu xaqa u lahaa arrintaasoo keentay in xukunkiisa lagu deg dego.

Xeer ilaalinta gobolka Alabama ayaa dib ula laabatey dacwadii ka dhanka ahayd Mr. Hinton kaddib markii ay caddaatey in uusan gelin dembiga lagu soo eedeeyey.

Dareen farxadi ku dheehan tahay ayuu muujiyey markii uu kasoo baxay xabsiga, wuxuuse cadaalad darro ku tilmaamey in kala bar waqtigiisa uu ku qaatey xabsi iyo cabsi uu ka qabey in xukun dil ah lagu fuliyo.

Anthony Ray Hinton oo markii xabsiga loo taxaabey ahaa 29jir  ayaa dib ula madoobey qoyskiisa soddon sano kadib, wuxuuna u mahadceliyey qareekiisa iyo dhammaan intii gacan ka siiyey inuu ka badbaado dhimashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Iran oo soo riday diyaarad, duuliye Mareykanka oo la raadinayo

Tehran ayaa kaga jawaabtay weerarro diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ah oo lagu beegsaday Israa’iil, iyo sidoo kale Urdun.

  • Caalamka

    03-04-2026

  • 06:19PM

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM