USA: nin 30 sano sugayey in xukun dil ah lagu fuliyo oo lasii daayey

Image
Image
Image
Image

April 5, 2015 (GO)- Nin muddo soddon sano ah ku jirey xabsi ku yaalla gobolka Alabama ee dalka Maraykanka islamarkaana sugayey in lagu fuliyo xukun dil ah, ayaa lasii daayey shalay oo Jimce ahayd kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.

Ninkan oo da'diisu 58 jir tahay laguna magacaabo  Anthony Ray Hinton, waxaa lagu soo eedeeyey in sanadkii 1985 uu diley labo nin oo maamuleyaal ka ahaa hoteel ku yaalla magaalada Birmingham.

Dacwadiisa ayaa dib loogu noqdey sanadkii hore [2014] markaasoo la xaqiijiyey in rasaasta dilka lagu fuliyey aanay ka dhicin qori laga helay guriga Anthony. Sidoo kale qareenkiisa ayaa ku doodey in Mr Hinton xilligii la xukumayey helin difaacii uu xaqa u lahaa arrintaasoo keentay in xukunkiisa lagu deg dego.

Xeer ilaalinta gobolka Alabama ayaa dib ula laabatey dacwadii ka dhanka ahayd Mr. Hinton kaddib markii ay caddaatey in uusan gelin dembiga lagu soo eedeeyey.

Dareen farxadi ku dheehan tahay ayuu muujiyey markii uu kasoo baxay xabsiga, wuxuuse cadaalad darro ku tilmaamey in kala bar waqtigiisa uu ku qaatey xabsi iyo cabsi uu ka qabey in xukun dil ah lagu fuliyo.

Anthony Ray Hinton oo markii xabsiga loo taxaabey ahaa 29jir  ayaa dib ula madoobey qoyskiisa soddon sano kadib, wuxuuna u mahadceliyey qareekiisa iyo dhammaan intii gacan ka siiyey inuu ka badbaado dhimashada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Gantaal laga soo tuurey Yemen oo ku dhacay Garoonka Diyaaradaha ugu wayn Israel

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in ugu yaraan siddeed qof ay waxyeello kasoo gaartay weerarka, mid ka mid ahna uu si fudud u dhaawacmay.

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 08:48AM

Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha…

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 06:58PM