Waa cusub oo u baryay haweenka Sacuudi Carabiya

Image

RIYADH, Saudi Arabia - Haweenka Sacuudi Carabiya ayaa hada iskood u noolaan kara iyaga oo aan u baahneyn ogolaanshaha aabahood ama ilaaliye lab ah kadib markii wax ka bedel sharci  ay sameysay Boqortooyada, sida uu Arbacadii wariyey majalada Gulf News.

Sida lagu sheegay warbixinta, mas'uuliyiinta sharciga ee Sacuudiga waxay baabi'iyeen farqada (b) qodobka 169 ee "Xeerka Nidaamka ee horyaala Maxkamadaha Shareecada" kaasoo dhigayay in haweeney qaan gaar ah, kuwa carmalka ah uu wehlin doono qof rag ah mar walba oo ay dibada uga baxayaan guriga.

Taa baddalkeeda, waxaa lagu beddelay xeer cusub oo xeerinaya: "Haweeneyda qaangaarka ah waxay xaq u leedahay in ay doorato halka ay ku noolaanayso. Ilaaliyaha haweenayda ayaa soo gudbin kara haddii uu hayo caddeyn muujineysa inay dambi gashay".

"Haddii haweeney lagu xukumo xabsi, laguma wareejin doono ilaaliyeheeda markay dhameysato muddadeeda," ayuu ku darayaa sharciga cusub ee wax ka bedelka lagu sameeyay, sida ay qortay Gulf News.

Garyaqaan Naif Al Mansi ayaa yiri "Qoysasku mar dambe ma xareysan karaan dacwado ka dhan ah gabdhahooda oo doortay inay kaligood noolaadaan". Qareenka ayaa intaas ku daray in maxkamaduhu aysan aqbali doonin mar dambe kiisaska noocaan ah.

Xadgudubka nidaamka ilaalinta ragga

Warbaahinta Sacuudi Carabiya ayaa markii ugu horeysay soo warisay Febraayo 2019 in Boqortooyada ay baraneyso sida loogu xadgudbay nidaamka  raggu ilaaliyaan dumarka.

Waqtigaas, dacwad oogaha guud ee Sacuudiga Saud al-Mojeb wuxuu sheegay in xafiiskiisa "uusan u turi doonin dadaallada lagu ilaalinayo shakhsiyaadka, ha noqdaan haweenka, carruurta ama waalidiinta, si aan ula dhaqmin cadaalad darada ay kula kacaan kuwa ku xadgudba awoodaha masuulka", sida lagu qoray wargayska reer UK ee Saudi Gazette.

Dabayaaqadii isla sanadkaas bishii Ogosto, Boqortooyadu waxay haweenka Sacuudiyaanka ah u oggolaatay inay dibadda u safraan iyadoon oggolaansho ka haysan shaqsiga raga ee wehlinaya.

Go'aanku wuxuu yimid kadib isku dayo iyo olole sare oo haweenka oo ay ku doonayeen inay kaga baxsadaan ilaaliyayaashooda, in kasta oo isbadallo kale oo badan la sameeyay.

"Baasaboor ayaa la siin doonaa qof kasta oo muwaadin Sucuudi ah oo soo gudbiya arji," ayaa lagu yiri xukun dowladeed oo lagu daabacay faafinta rasmiga ah ee Um al-Qura. Dhaxal-sugaha boqortooyada, Maxamed bin Salmaan ayaana hormuud u ah isbedeladdaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM