Waa kuma Ra'iisul Wasaaraha cusub ee Australia?

Image

Xisbiga talada haya ee Liberal Party ee Australia ayaa Wasiirkii maaliyadda Scott Morrison u doortay inuu noqdo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaasi maanta oo Jimciha ah.

Morison ayaa kaga adkaaday jagadaasi wasiirkii hore ee arrrimaha gudaha Peter Dutton iyo wasiirka arrimaha dibadda Julie Bishop oo uu kaga adkaaday doorashada wareeggii koowaad.

Wuxuu baddalayaa hadda Ra’isul wasaarihi hore Malcolm Turnbull oo ku guul dareystay inuu codka kalsoonida ka helo xisbiga talada haya.Turnbull uma uusan tartamin doorashada maqaamka Ra’isul wasaaraha ee xisbiga talada haya.

Wuxuu sheegay inuu iscasilayo kana baxayo siyaasadda.

Magacaabista Scott Morrison ayaa soo gaba gabeyneysa qalalaaso siyaasadeed oo ka dhex oognaa dowlada muxaafidka ah ee Australia xilli ay dalkaasi kusoo dhawaadeen doorashooyinka baarlamaaniga ah oo loo qorsheeyay in ay dhacaan bisha May ee sannadka 2019.

Wuxuu noqo doonaa Ra’isul wasaarihi lixaad ee ay Australia yeelato muddo 11 sano ah.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM