Waardiyihii hore Osama Bin Laden oo Yemen ku geeriyooday

Image

28 December, 2015(GO)-Nasser al-Bahri ayaa ku geeriyooday sida la rumaysanyahay da'da 40-ka, wuxuuna haa wardiyihii khaaska ahaa ee hogaamiyihii Al-Qaacidda.

Bahri ayaa Sabtidii la soo dhaafay u dhintay xanuun muddo hayay, wuxuuna ku geeriyooday dalkiisa hooyo gaar ahaan maglada Mukalla ee waddanka Yemen sida ay xaqiijiyeen ilo caafimaad.

Nasser al- Bahri ayaa Alqaacidda u taqaanay  Abu Jandal, wuxuuna sidoo kaloo ahaan jiray darawalka hoggaamiyihii la dilay, markii uu ku sugnaa dalka Afghanistan.

Ninkan ayaa xabsiga Guantanamo Bay laga soo daayay sanadkii 2008, waxaana lagu celiyay dalkiisa,Wuxuuna ku lug lahaa weerarro Al-Qaacidda ay ka gaysatay Bosnia, Somalia iyo Afghanistan 1990-meeyadii, balse markii dambe waxaa la sheegay in uu ka baxay Al-Qaacidda.

Osama Bin Laden ayaa lagu dilay howlgal ay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ay ka fuliyeen magaalada Abbottabad, ee dalka Pakistan, bishii May ee sanadkii 2011-kii.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM