Wadanka Belgium oo feejignaan galisay Brussels

Image

Xukuumadda Belgium ayaa kor u qaaday heerka feejignaanta amniga magaalada Brussels, waxayna xirtay xarumaha tareennada iyo gaadiidka laga raaco. Saraakiisha ayaa ka digay in weerar laga cabsi qabo inu dhaco.

Ra’iisul wasaaraha Belgium Charles Michel ayaa maantoo Sabti ah sheegay iinay jirto qeylo dhaan la xiriirta weerar argagixiso oo la mid ah kii Paris ka dhacay.

Ra’iisul wasaare Michel sheegay in uu jiro walaaca ah in ay jiraan shaqsiyaad ku hubeysan walxa qarxa in ay weerar qaadaan, kuwaasoo ay dhici karto in ay beegsadaan meelo kala duwan.

Bayaan horay uga soo baxay xukuumadda Belgium ayaa looga digay muwaadiiniinta dalkaasi in aysan tagin meelaha dadweynuhu isugu yimaadan sida xafladaha, goobaha dukaameysiga iyo meelaha laga raaco gaadiidka.

Saraakiisha Belgium ayaa joojiyey gaadiidka Metro ee dadweynaha raaco tan iyo maalinta berri.

VOA
 

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM