Wadanka Ingriiska oo dib u furey safaaradii uu ku lahaa Iran

Image

23 August, 2015 (GO)- Wadanka Ingriiska ayaa mudo afar sano kadib safaardiisa uu ku lahaa dalka Iran dib u furey kadib markii la xirey sanadkii 2011 markaa xiriirka labada dal xumaadey.

Wasiirka arrimaha dibada Ingriiska Philip Hammond ayaa joogey xafladii lagu furayey safaarada, Mr Hammond ayaa noqdey wasiirkii ka socda arrimaha dibada oo booqda dalkaas tan iyo 2003.

Safaarada Ingriiska wadanka Iran ku leedahay ayaa la xirey kadib markii dad mudahaaradaya oo ka xanaaqsan cunaqabateynta wadamada reer Galbeedka ku soo roogeen Dehran weerareen.

Mr. Harmmond ayaa sheegey in weerarkii loo gaystey safaarada Ingriiska ee Tehran hoos u dhigtey xiriirka labada wadank balse tartiib u soo hagaagey tan iyo intii xilka qabtey madaxweyne Hassan Rouhani.

Philip ayaa sheegey in sababta kale oo dib u furiskta safaaradaan ay tahay heshiiskii dhowana laga gaarey dhismaha warshada Nukleeyrka taasoo keentey isu soo dhowaansho muhiim ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM