Wadanka Jabuuti oo saldhig ciidan siineysa wadanka China

Image

Jabuuti, May 10,2015 ( GO)- Wadanka Jabuuti ayaa wadahadal uu saldhig ciidan ku siinayo wadanka China, sidaas waxaa u sheegey AFP madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele.

Talaabadaan ayaa keeneysa in saldhigyada Mareykanka iyo China dhinaca isku qabtaan wadankaan yar ku yaal geeska Afrika.

"Wadahadal waa socdaa," sidaas waxaa warsaxafdeed ku sheegey madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, isaga oo hoosta ka xariiqey in joogitaanka Chineska ee Jabuuti la soo dhoweynayo.

Wadanka Jabuuti ayaa waxaa saldhigyo ku leh sidoo kale wadanka Faransiiska, Jarmalka iyo Jaban.

GAROWEONLINE+ WAKAALADAHA 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM