​Waddanka Ethiopia oo galay xaalad deg-deg ah

Image

ADDIS ABAB, Ethiopia- Xukuumadda Ethiopia, ayaa shaacisay inay waddankeeda ku riday xaalad deg-deg ah muddo lix bilood ah, kadib rabshado ka dhacayay muddo sannad ah.

In kastoo aan la sheegin sababta xukunka loo soo rogay, hadda xubno kamid ah golaha wasiirrada, waxay sheegayaan inay dib ka faah faahin doonaan.

Wararka ku saabsan xaaladda lagusoo rogay, Ethiopia, ayaa sheegaya in go'aanka la qaatay kadib markii ay sii xoogaysteen bannaanbaxyada ka dhacaya gobolka ugu weyn dalkaas ee Oromoda.

Ugu yaraan 500 oo qof ayaa dhintay tan iyo markii ay banaanbaxyadu billowdeen November-tii kal hore. Dhawaan ayaa waxaa waddanka soo maray isku dhacyo todobaad socday, kuwaasoo u dhaxeeyey booliska iyo dad mudaaharaadayey, ka dib markii 55 qof ay ku dhinteen isbuurasho dhacday intii ay socotay xaflad-dhaqameed ay dadka Oromadu lahaayeen.

Dadka banaanbaxayey ayaa ku eedeeyey ciidanka amaanka inay sababeen dhimashada, waxayna bartilmaameedsadeen shirkadaha shisheeye iyo dhismayaasha iyo gaadiidka xukuumadda intii ay banaanbaxyadu socdeen.

Rabshadahan, ayaa ka dhashay tallaabada xukuumadda Addis ku doonaysy inay ku ballaariso caasumadda dalkaas, balse waxaa kasoo horjeestay Beeralay kasoo jeeda Qowmiyadda Oromada, oo ku andacoonayay inay saamayn u gaysan doonto noloshooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM