​Warar ka dhacay Falorida oo lagu dilay 2 qof

Image

Ugu yaraan 2qof ayaa ku dhimatay 20 kalana waa ku dhaawacmeen kaddib markii weerar lagu qaaday xarun lagu caweeyo oo ku taalla Gobolka Falorida ee dalka Maraykanka.

Police-ka  gobolkaasi ayaa sheegay in nin hubaysan uu rasaas huwiyey xarun  lagu caweeyo oo lagu magacaabo Fort Myers.

Muqaal goobta laga qaaday ayaa muujinayey jaah-wareer baahsan iyo dad kala cararaya.

Weli  xog sugan lagama hayo sida weerarku u dhacay laakiin Wariyaasha ayaa sheegaya in weerarku u muqday mid argagixiso.

Inta badan falalka ka dhaca Maraykanka ayaa lala xiriiriyaa kuwo xagjiriinta ah ee gacan saarka la leh ururada Daacish iyo Al-qaacidda ,hasayeeshee waxa jira weerarro kale oo ay geystaan  dad dhimirka ka jirran oo ka soo laabta dagaallada debadda.

Xukuumadda Washington ayaa  ku hawlan xakamaynta hubka inkastoo ay jiraan dad arrintaas mucaaradsan oo ay ugu horreeyaan ururka Qorileeyda dalkaas ee loo yaqaan(National Riffle Association).

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM