Wararkii ugu dambeeyay qalalaasaha dalka Armenia

Image

Dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda Armenia ee dalkaasi ka socday ayaa la hakiyay.

Hakinta dibadbaxyada ayaa ka dambeeysay ka dib markii xisbiga Jamhuuriga ee haya talada dalkaasi ay sheegeen in ay tageerayaan hogaamiyaha mucaaradka ee horkacaya dibadbaxyada Nikol Pashinyan in uu noqdo rai'sul wasaaraha dalkaasi.

Tobannaan kun oo qof oo ah taageerayaasha hogaamiyahan ayaa isugu soo baxay wadooyiinka caasimada dalkaasi ee Yerevan.

Hogaamiyaha xisbiga talada haya ee dalkaasi ayaa baarlamaanka u sheegay in toddobaadka soo socda ay taageeri doonaan musharax ay soo xushaan saddex meelood laba meel baarlamaanka dalkaasi.

Ma uusan xusin magaca Mr Pashinyan oo ah ninka horkacaya dibadbaxyada dalkaasi ka socda.

Dadka dibadbaxa dhigaya ee dalkaasi ayaa waxa uu dibadbaxooda ka bilaabmay isbadal lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, taasi oo keentay in awooda laga wareejiyo madaxweynaha dalka, loona weeciyo raysal wasaaraha.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM