Wariyaal lagu diley Virginia

Image

26 August, 2015 (GO)-Labo wariye ayaa lagu diley gobolka Virginia ee Mareykan qof kalena waa la dhaawacay xilli wariyaashan ay ku jireen wareysi toos ah oo ay la yeelanayeen dalxiisayaal ku sugnaa Buundo ku taalla Franklin County.

“Ma garan karo ujeedka, ma garan karo cidda dilka ka dambeysay, balse waxan hubaa qofka dilka gaystey inuu ku sugnaa goobta”Sidaasi waxaa yiri goob jooge la hadlay Aljazeera.

Alison Parker iyo Adam Ward, ayaa ahaa wariye iyo sawir qaade telefishin, waxayna u shaqaynayeen telefishin la shaqeeya CBC ee magaalada Moneta ee Bedford County.

Qofka dhaawaca ah ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa qofkii laga qaadayay wareysiga.

Ilaa hadda lama oga cidda ka dambeysa dilkaasi iyo sababta lagu diley.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM