​Wariye Caan ah oo lagu dilay Pakistan

Image

KARACHI- Wararka aan ka helayno dalka Pakistan gaar ahaan magalada Karachi ayaa sheegay in la dilay Khurram Zaki oo ahaa wariye u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bini-aadanimada islamarkaana u ololeeya dhismaha dalkaasi.

Zaki, ayaa la toogtay xilli uu ka cashaynayay meherad ku dhextaalla magaladaasi, waxaan dilkiisa ka dambeeyay labo ruux oo watay, iyadoo falkaasi sidoo kale si daran loogu dhawacay labo qof oo shacab ah.

Lama garanayo cidda dishay, balse wariyahan caanka ahaa ayaad aad uga soo horjeeday dagaallada ay wadaan kooxa dowladda kasoo horjeeda, wuxuuna had iyo jeer ku dhaleecayn jiray bog uu tifaftire ka haa ahaa oo lagu macagaabo "Aynu dhisno Pakistan".

Ololahiisa ugu dambeeyay ayuu kaga horjeeday kuwa uu ku eedeeyay inay ka kicinayaan naceyb iyo dagaal looga horjeedo Muslimiinta Shiicada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM