Washington oo xaalad degdeg ah lagu soo rogayo

Image

WASHINGTON, US – Madaxweynaha xilka kasii degaya Donald Trump ayaa Talaadada maanta ah ansixiyey xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogo caasimadda Mareykanka, sidda uu shaaciyey xafiiska warfaafinta ee Aqalka Cad.

Talaabadan waxay kusoo hagaageysa ka gedaal markii hay'adda sirdoonka gudaha ee FBI ay ka digtay rabshado dhici kara kahor caleema-saarka madaxweynaha la doortey Joe Biden taasoo dhaceysa 20-ka Janaayo.

Xaaladda deg-deg ah ayaa la kordhin karaa lana gaarsiin karaa illaa 24-ka Janaayo hadii ay soo kordhaan arrimo kale oo amni darro ah.

Amarkan uu saxiixay Trump ayaa Hay'adda Maareynta Xaaladdaha Degdegga ah ee Federaalka wuxuu siinayaa awood ay ku calaamadeyn karto talaabooyinka la qaadayo si looga hortago saameynta xaalada deg-dega.

Talaabadan ayaa kusoo hagaageysa maalmo kadib markii qaswadayaal taabacsan Trump ay gudaha ugu daateen xarunta baarlamaanka Mareykanka. Rabshadahaas waxaa ku nafwaayey shan ruux oo askari kamid yahay.

Trump oo weerarkaas awadiis ku waayey ciwaanadiisa baraha bulshadda ayaa sheegay in rabshadaha ay ka dambeeyeen kooxaha midigta fog, balse muuqaalo waxay tusinayaan in taageereyaashii ahaayeen.

Hay'adda FBI ayaa sheegtay in dhamaan 5-ka gobol ee Mareykanka looga baahan yahay in ciidamadda amniga ay heegan ku galaan, waxaana ay sheegtay in ay dhici karaan banaanbaxyo hubeysan maalinta caleemasaarka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo taliye sare iyo askar looga dilay weerar ka dhacay koonfurta Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 18 qof ay ku dhinteen duqeymo ay fuliyeen ciidamada Israel.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 12:11PM

Wadahadalladii Iran iyo Mareykanka oo dib u dhacay kadib duqeyn Israa’iil ka fulisay Lubnaan

Wararka ayaa sheegay in askar iyo saraakiil looga dilay, loogana dhaawacay weerarka Xisbullah ku qaadey Ciidamada Israel ee koonfurta Lubnan.

  • Caalamka

    19-06-2026

  • 08:40AM