Wasiir isu casilay amar fadeexad sababay oo laga soo saarey xayawaan

Image

COPENHAGEN, Denmark – Wasiirkii beeraha Denmark ayaa Arbacadda todobaadkii hore isku-casilay amar sharci darro ah oo dowladda kasoo saartey dil-wadareed lagu sameeyay xayawaanka la dhaqdo ee Minks-ka.

"Waxaan maanta ku wargeliyey Ra'iisul Wasaaraha in aan rajeynayo in aan iska casilo xukuumadda. Waxaan sheegi karaa in aysan muhiim ahayn in aan taageero ka helo xisbiyada baarlamaanka," ayuu Mogens Jensen yiri.

Sikastaba, xisbiyadda mucaaradka oo aan ku qanciin is-casilaadda Jensen ayaa ra'iisul wasaare Mette Frederiksen ugu baaqay in ay caddeyso doorka ay ku lahayd amarkaas dowladeed ee carada iyo fadeexada dhaliyey.

"Ra'iisul Wasaaraha ayaa mas'uul ka ah amarkaas sharci daradda ah. Iyadda ayaa go’aanka gaartey mana faragelin si ay u joojiso markii ay ka war heshay sharci daradaas," ayuu yiri Jakob Elleman-Jensen, madaxa Liberal Party.

Wuxuu intaas ku daray: "Kiiskaan ma ahan mid ku istaagi kara bixitaanka Mogens Jensen. Wuxuu u baahan yahay in lagu sameeyo baaris guddiyadeed".

Horaantii bishaan November, Frederiksen ayaa soo saartey amar ay beeraleyda ku fareyso in ay laayaan xayawaanka mink-ka balse warar kala duwan waxay kasoo baxayaan sababta dhabta ah ee sidaas loo sameynayo.

Hasayeeshee, waxay ku guuldareysatay in ay meelmarinta qorshahaas codad uga hesho mudaneyaasha baarlamaanka oo si xoogan uga hor-yimid.

Qorshaha lagu laynayo xayawaanka ayaa ahaa in la dilo 17 milyan isla markaana la gubo ama la duugo sababo ku aadan faafinta Covid-19 oo ka bilowday safmareenka Coronavirus oo waddankaas uga soo rogaal celiyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Haweeney markii ugu horreysay Madax ka noqotay Hay'adda Sirdoonka UK 116 Sano Kadib

Metreweli waxay baratay cilmiga bulshada (anthropology) jaamacadda Cambridge, waxayna hore uga soo shaqeysay MI5.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:40AM

Reer Galbeedka oo raba inay Wadahadal Deg Deg ah la galaan Iran 

Marka laga hadlayo marinka Gaza, Wadephul wuxuu sheegay in xaaladda bani’aadamnimo ee halkaas ay tahay mid aan la aqbali karin.

  • Caalamka

    16-06-2025

  • 07:23AM