Wasiir katirsanaa Xukuumadda Israel oo qirtay inuu basaas u ahaa Iran

Image

Wasiir hore uga tirsanaa dowladda Israel oo lagu eedeeyey inuu basaas u ahaa Iran, ayaa xabsi ku qaadan doona 11 sano, taasi oo qeyb ka ah heshiis dambi qirasho oo uu la galay mas’uuliyiinta, sida ay sheegtay wasaaradda caddaaladda.

Wasaaradda ayaa sheegtay in Gonen Segev uu heshiiska ogolaaday kadib markii uu qirtay inuu si xooggan ugu jaajuusay islamarkaana akhbaaraad ugu gudbay “cadowga.”

Heshiiska Segev iyo dowladda ayaa bisha soo socota la horkeeni doonaa garsoore maxkamadeed. Israel ma bixin faahfaahin intaas dheer.

Segev ayaa wasiirka tamarta ka ahaa dowladdii ra’iisul wasaare Yitzhak Rabin ee sanadihii sagaashamaadka, waxaana mar loo xabisay inuu isku dayey inuu daroogo soo geliyo Israel.

Segev ayaa bishii May ee sanaddii 2018 laga soo masaafuriyey dalka Equatorial Guinea, waxaana la xiray markii uu yimid Israel, ayada oo lagu tuhmayo inuu wakiil u ahaa sirdoonka Iran oo uu siiyey xog ku saabsan “suuqa tamarta iyo goobaha amniga Israel”

Hay’adda ammaanka gudaha Israel ee Shin bet ayaa horey u sheegtay in Segev uu laba howlwadeen oo ka tirsan sirdoonka Iran kula kulmay gudaha Iran, sidoo kalena uu wakiilo kale kula kulmay dafaaha dunida.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM