Wasiirka difaaca Hungary oo is casilay

Image

08 September, 2015(GO)-Wasiirka difaaca dalka Hungary Csaba Hende ayaa is casilay kaddib kulan ay yesheen golaha sare ee amniga ee dalkaasi.

Arrintan  ayaa lala xiriirinayaa qul-qulka tahriibayaasha ee dalkaasi iyo dib u dhaca qorshaha lagu dhisayo darbi dheer oo lagu joojinayo tahriibayaasha kaasi oo la filayay in la dhammeeyo bishii la soo dhaafay.

War saxafaafeed ay soo saartay dowlada Hungary laguma faah-faahin sababta uu isku casilay wasiirka difaaca dalkaasi.

Is casilaadan ayaa timi iyadoo boqollaal qaxooti ah xoog uga gudbeen qadadka booliska Hungary ee deegaanka Roszke ee ku dhow xadka Serbia, waxa ayna isugu tageen wadada ugu weyn ee aadda magaalada Budapest ee isla dalkaasi.

Dhawaan Ra'isal wasaaraha Hungary ayaa sheega inaysan doonayn qaxooti soo gala dalkooda gaar ahaa muslimiinta ka soo qaxaya colaadda ka taagan Suuriya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo ka difaacay Maxamed Bin Salman Su'aal laga waydiiyay dilkii Khashoggi

Kulanka Aqalka Cad ayaa sidoo kale lagu heshiiyey arrimo dhaqaale iyo milatari, oo ay ka mid yihiin iibinta diyaarado dagaal oo F‑35 ah.

  • Caalamka

    19-11-2025

  • 09:41AM

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM