​Wasiirka Difaaca Mareykanka oo booqday Iraq

Image

Xogyahah Difaaca ee dalka Mareykanka Ashton Carter ayaa Booqasha aan horey loo shaacin ku tagey magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Iraq.

Carter, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Iraq Haydar Al Cabaadi iyo Saraakiil Mareykanka oo ku sugan dalkaasi.

Waxyaabaha ay kawadi hadli doonaan Carter iyo Al Cabaadi ayaa waxaa kamid ah howlgalka military ee ay ciidamada Iraq iyo kuwa Maraykanka kawadaan magaalada Mosul mudo labo bilood ah.

Booqashada Carter ee Iraq ayaa ka dambaysay safarro uu dhawaan ku tagay Afghnaistan, waxaana uu macasalaamaynayaa Ciidamada Mareykanka kahor inta uusan ka tagin xafiiska horaanta Bisha January ee 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM