​Wasiirka Difaaca Mareykanka oo booqday Iraq

Image

Xogyahah Difaaca ee dalka Mareykanka Ashton Carter ayaa Booqasha aan horey loo shaacin ku tagey magaalada Baqdaad ee caasimadda dalka Iraq.

Carter, ayaa lagu wadaa inuu la kulmo Ra'iisul Wasaaraha Iraq Haydar Al Cabaadi iyo Saraakiil Mareykanka oo ku sugan dalkaasi.

Waxyaabaha ay kawadi hadli doonaan Carter iyo Al Cabaadi ayaa waxaa kamid ah howlgalka military ee ay ciidamada Iraq iyo kuwa Maraykanka kawadaan magaalada Mosul mudo labo bilood ah.

Booqashada Carter ee Iraq ayaa ka dambaysay safarro uu dhawaan ku tagay Afghnaistan, waxaana uu macasalaamaynayaa Ciidamada Mareykanka kahor inta uusan ka tagin xafiiska horaanta Bisha January ee 2017-ka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangladesh: Ra’iisul Wasaarihii hore Sheikh Hasina oo lagu xukumay dil

Maxkamaddu sidoo kale waxay xukuntay Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha, Asaduzzaman Khan.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 11:02AM

Maxkamadda Bangladesh oo la filayo inay dil ku Xukunto Sheikh Hasina

Hasina, oo 78 jir ah, ayaa ku noolayd magangalyada New Delhi tan iyo markii ay ka carartay Bangladesh bishii Agoosto 2024.

  • Caalamka

    17-11-2025

  • 07:10AM