Wasiirka Difaaca Mareykanka oo u socdaalay Afghanistan

Image

WASHINGTON, USA - Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa booqasho aan horey loo sii shaacin ku tagey Afghanistan, toddobaadyo ka hor intaan la qorsheyn bixitaanka dhammaan ciidamada Mareykanka ee haray.

Markii uu la kulmay Madaxweyne Ashraf Ghani magaalada Kabul, wuxuu ku baaqay in si masuuliyad leh loo joojiyo dagaalka laakiin ma shaacin in waqtiga loo qabtay iyo in kale.

Mr Austin oo warbaahinta la hadlay ayaa wuxuu soo jeediyey in diirada la saaro yareynta rabshadaha heerarka sare si loo ogolaado wada hadal lagu dhameeyo khilaafka.

Bixitaanka askarta Ameerikaanka ayaa waxaa ku heshiiyey Taalibaan iyo maamulka madaxwaynihii hore ee waddanka Mareykanka Donal Trump sanadkii lasoo dhaafay.

Balse, waxaa jira su’aalo waaweyn la iska weydiinayo in kooxaha kacdoonka wada ay ka dhabeeyeen balan-qaadkii ay la galeen dowladda Afqaanistaan.

Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Joe Biden ayaa tibaaxay in waqtiga loo qabtay bixitaanka askarta Mareykanka oo ah 1-da May ay adkaan doonto in la fuliyo sababo ku aadan cawaaqib xumada digniinta ka imaaneysa Taliban.

Mr Austin oo ah Afrikaan Ameerikaankii ugu horeeyay ee xilkan qabta waa xubinta ugu horeysa ee kamid ah wasiirada Biden ee booqda Afghanistan. Wuxuu u duulay Kabul maalintii Axada waana dhamaadka safar gaaban oo uu ku tagay Aasiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Pakistan oo diyaarado dagaal u dirtay Saudi Arabia xili uu fashilmay Wadahadalka Islamabad

Falanqeeyayaasha amniga ayaa rumeysan in u dirista diyaaradahan aysan ahayn mid militari ahaan wax weyn ka beddelaysa awoodda difaaca.

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 09:41AM

Mareykanka iyo Iiraan oo ku kala tagay wadahadalladii Islamabad

Madaxweyne ku-xigeenka J.D. Vance ayaa sheegay in Maraykanku uu si daacad…

  • Caalamka

    12-04-2026

  • 02:47AM