Wasiirka Gaashaan-dhigga Yemen oo xabsi-guri ka baxsadey

Image

March 8, 2015 (GO)- Wasiirka Gaashaan-dhigga Yemen Mahmoud al-Subaihi ayaa ka baxsadey xabsi guri muddo bil ah uu ku jirey magaalada Sanca ee xarunta dalka Yemen.

Al-Subaihi ayaa lagu soo waramayaa inuu u jiheystey dhanka magaalada Cadan ee ku taalla koonfurta, halkaasoo horay sidan oo kale labo asbuuc kahor Madaweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi u gaarey.

Kooxda shiicada ah ee Xuuthiyiinta ayaa xabsi guri geliyey mas'uuliyiin badan oo Hadi iyo Mahmoud al-Subaihi kamdi ahaayeen, kaddib markii ay February 6, 2015 la wareegeen aqalka madaxtooyada ee Sanca iyo xarumaha kale ee dowladda.

Dalka Yemen oo ay ku nool yihiin 25milyan oo qof kana mid ah dalalka ugu saboolsan Jaziirada Carabta, wuxuu ku jirey xaalad degenaansho la'aan ah  laga soo bilaabo sanadkii 2012 markaasoo kacdoon dadweyne xukunka looga tuuray madaxweynihii hore Cali Cabdallah Saalax.

Qaybo kamid ah dalka waxaa ka taliya xilligan mileeshiyaad xagjir ah oo ka tirsal al-Qaacida, halka qaybo kale oo badanna gacanta ku hayso kooxda Xuuthiga oo iyadu ah koox Shiico ah taasoo la rumeysan yahay inay taageero dhaqaale iyo mid militeriba ka hesho dalka Iran. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha…

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 06:58PM

Xuutiyiinta oo Gantaallo ku Weeraray Saldhigyo Militeriga oo ku yaalla Israa’iil

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale cunaqabateyn ku haysa marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab.

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 09:41AM