​Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga Kenya oo geeriyooday

Image

NAIROBI, Kenya- Sida lagu daabacay maanta oo Sabti ah [08 July, 2017], wakaaladaha wararka dalka Kenya, waxaa geeriyooday wasiirka Amniga dalkaas Joseph Nkaissery.

Joseph, ayaa xalay abaaro 03AM, aaday Isbitaalka Karen, halkaasoo doonayay inuu ku maro tijaabo caafimaad [Medical Chek up], xilli uu shalay ka qayb galay isu soo bax ballaaran oo ka dhacay fagaaraha Uhuro Park.

Lama oga sababta keentay Geerida mas’uulkan, balse waxaa saraakiil u hadlay Wasiirka dhintay ay sheegeen inuu u muuqday mid caafimaad qaba xilliga uu aadayay cusbitaalka.

Qoraal kasoo baxay Agaasimaha Madaxtooyada dalka Kenya, oo sidoo kale algu xaqiijiyay geerida wasiirkii Amniga ayaa lagu sheegay inay aad uga xunyihiin dhimashada  Joseph Nkaissery, iyadoo intaas la raaciyay inay u baahanyihiin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan sida ay ku timid Geeridan.

Maydka Wasiirka dhinta ee Joseph ayaa lagu wadaa in la geeyo xarun lagu magacaabo “Lee Funeral Home”, halkaasoo lagu samayn doono baaritaan caafimaad oo la xariira sababta keentay dhimashada mas’uulkan.

Ninkan ayaa muddo kamid ahaa golaha xukuumadda Kenya, waxaana Madaxweyne Uhuro Kenyatta booska Wasiirka Amniga u magacaabay 2, 2014 isagoo waqtigaas badalay Joseph Ole Lenku.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo diiday inuu booqdo Israa’iil xili uu xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Netanyahu 

Eldar ayaa intaas ku daray in tallaabadan ay calaamad u tahay isbeddel weyn oo ku yimid xiriirka taariikhiga ah ee Mareykanka iyo Israa’iil.

  • Caalamka

    15-05-2025

  • 04:47AM

Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale…

  • Caalamka

    14-05-2025

  • 12:06PM