Wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka Nigeria oo London lagu xiray

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Qoyska wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka dalka Nigeria ayaa xaqiijiyay in dalka Britain lagu xiray Alison-Madueke.

Haweenayda lagu magacabo Alison-Madueke oo wasiir noqotay xilligii Madaxweyne Goodluck Jonathan muddo Shan sano ah ayaa looga shakisanyahay musuqmaasuq intii ay xilkaasi haysay.

Hay'adda dhanka dambiga u qaabilsan UK qaybteeda musuqmaasuqa caalamiga ah ayaa barteeda internetka ku shaacisay in 5 ruux ku xireen meelo kala duwan oo London ku yaalla.

Xarigga shakhsiyaadka ayaa qayb ka ah baaritaan lagu hayo dad looga shakisanyahay laaluush iyo dambiyo la xiriira lagaco la waayay halka lagu lumiyay.

Dhawaan Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu billowday baaritaanno ay ku samaynayso ganacsiga saliidda, si dib ugu soo ceshato wax uu ku tilmaamay balaayiin laga xaday dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM