Wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka Nigeria oo London lagu xiray

Image

03 Octobar, 2015(GO)-Qoyska wasiirkii hore khayraadka iyo Batroolka dalka Nigeria ayaa xaqiijiyay in dalka Britain lagu xiray Alison-Madueke.

Haweenayda lagu magacabo Alison-Madueke oo wasiir noqotay xilligii Madaxweyne Goodluck Jonathan muddo Shan sano ah ayaa looga shakisanyahay musuqmaasuq intii ay xilkaasi haysay.

Hay'adda dhanka dambiga u qaabilsan UK qaybteeda musuqmaasuqa caalamiga ah ayaa barteeda internetka ku shaacisay in 5 ruux ku xireen meelo kala duwan oo London ku yaalla.

Xarigga shakhsiyaadka ayaa qayb ka ah baaritaan lagu hayo dad looga shakisanyahay laaluush iyo dambiyo la xiriira lagaco la waayay halka lagu lumiyay.

Dhawaan Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa daboolka ka qaaday in xukuumaddiisu billowday baaritaanno ay ku samaynayso ganacsiga saliidda, si dib ugu soo ceshato wax uu ku tilmaamay balaayiin laga xaday dalkaasi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Belgium: Hadii Ruushka Gantaallo kusoo tuuro Brussels, waxaan Khariiradda ka tiri doonaa Moscow 

Sidoo kale, waxaa suurtagal ah in hadalkan uu keeno su’aalo ku saabsan istaraatiijiyadda difaaca Belgiium.

  • Caalamka

    28-10-2025

  • 08:22AM

Putin: Cunaqabateynta Trump saarey Ruushka waxay sii xumaynaysaa xiriirka labada dal

Afhayeenka Kremlin-ka ayaa xusay in Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, uu qadarinayo rabitaanka uu Donald Trump.

  • Caalamka

    27-10-2025

  • 01:47PM