Weerar ay Xuutiyiinta ku qaadeen Sacuudi Carabiya oo laga hortagay

Image

RIYADH, Saudi Arabia – Weerar ay Xuutiyiinta isku dayeen in ay ku qaadaan Sacuudiga iyagoo adeegsanaya diyaarada aan duuliyaha lahayn ayaa la fashiliyey, sidda uu sheegay Xulafada Carbeed ee Yemen ka dagaalamaya.

Korneyl Turki al-Maliki, afhayeenka xulafada oo tibaaxay in sidoo kale ay burburiyeen drone-ta, ayaa Talaadada maanta ah wuxuu sheegay in falaagada hubeysan ay si bareer ah u sii wado beegsiga boqortooyadda.

Weerarkan la sheegay in laga hortagay ayaa wuxuu qayb ka yahay taxaneyaal guluf oo kooxda ay Iiiraan taageerto qaadey asbuucyadii u dambeeyay.

Isniintii, isbaheysiga wuxuu wariyey in ay ka hortagaan isla markaana ay burburiyeen diyaarad drone oo lagu soo rakibay qaraxyo kuna wajahneyd jihada Sacuudiga. Sawirro laga soo qaadey ayaa muujiyey burbur culus.

Xuutiyiinta ayaa doonaya in Sacuudiga iyo wadamada kale ee ku wehliya faragelinta Yemen ay gabi ahaanba isaga hayaamaan waddankaas.

Marka laga soo tago sheegashooyinka xulafada Sacuudiga hogaaminayo, ma jiraan war kasoo baxay dhanka Xuutiyiinta. Labada dhinac waxay si joogto ah hawada isugu mariyaan weeraro iyo hadalo hurinaya colaadda.

Xuutiyiinta ayaa haatan waxay si buuxda u maamulaan magaala madaxda Sanca, halka dowladda uu caalamka aqoonsan yahay uu fadhigeedu yahay magaalada Cadan, halkaasoo howlgalada diblumaasiyiinta ay fariisin u tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM