Weerar dad lagu laayey oo ka dhacey magalada Istanbul

Image

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in sodon iyo shan qof la dilay halka afartan kalena ay dhaawacmeen kadib markii nin hubeysan u weeraray xarun lagu caweeyo oo ku taala magaalada Istanbul

Ugu yaraan hal nin oo hubeysan ayaa la xaqiijiyay in ku lug lahaa weerarka loo geystay goobta lagu caweeyo ee Reina, ee deeganka Ortakoy, oo ah meel ay degan yihiin dadka tujaarta ah.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegaysa in ninka hubeysan u gudaha u galay goobta lagu caweeyo isaga oo ku labisan dharka dabaaldega ciidaha masiixiga. Kadibna wuxuu si arxan daro ah rasaas ugu furey dadkii meesha ku jiray.

Mid kamid ah ciddamada booliska ayaa weerarkaasi ku nafwayeey.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta baaritan ku sameynaya ayadoo gawaarida gurmadka degdega ahna ay ku suganyihiin goobta weerarka u ka dhacay.

Boqolal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu caweeyo xilliga weerarka uu dhacayay halka qaar ka mid ah dadkana ay biyaha badda isku tuuren cabsi daradeed taasoo qasabtay in lasoo badbaadiyo.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM