Weerar ka dhacay Sydney Australia

Image

Boliiska magalada Sydney ee waddanka Australia, ayaa sheegaya inuu soo dhammaaday howlgal muddo qaaday oo ka dhacay magalada, kadib markii nin hubaysan labo qof ku dhaawacay warashad ku taalla Koonfur Galbeed magalada oo lagu magacaabo Ingleburn.

Ninkan, ayaa laamaha ammaanku xaqiijiyeen inuu is-dilay, kadib markii muddo badan Boliisku is horfadhiyeen, waxaana wararku intaasi ku darayaan inay socdaan baaritaano la xiriira falkan iyo hubinta inuu afduub u haystay dad kale.

Labo qof oo ninkaasi dablayda ahaa dhaawacay, ayaa loo qaaday Cusbital lagu magacaabo Liverpool Hospital, waxaana la sheegay in mid kamid ah oo xaaladiisu liidatay loo sameeyay qaliin deg deg ah, halka kan kale dhaawac fudud soo gaaray.

Sawirro goobta laga qaaday ayaa muujinaya Boliis aad u hubaysan oo ku hareeraysan warshadda Inline National Signage iyo wax la moodo mayd maro cad lagu duubay oo yaalla wadada dhinaceeda.

Wararka, ayaa intaasi ku daraya in la xiray qof kale oo rag ah kaasi oo is hortaag ku sameeyay Boliiska howlgalka ku jiray.

Majirto faah-faahin kale oo ku saabsan ninkaasi iyo sababta falkaasi ku kaliftay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mareykanka iyo Shiinaha oo Heshiis Cusub Ka Gaaray Canshuuraha Ganacsiga

Xiisadda ganacsi ee u dhaxeysa Mareykanka iyo Shiinaha ayaa bilaabatay sanadkii 2018, mudo-xileedkii hore ee Donald Trump.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:58AM

PKK oo shaacisay inay hubka dhigayso si usoo afjarto dagaalka dowladda Turkiga

Warbixin lagu daabacay wakaaladda wararka Firat News Agency — oo ah ilo warbaahineed si weyn ugu dhow PKK.

  • Caalamka

    12-05-2025

  • 07:16AM