Weerar ka dhacay Toronto, Canada iyo wararkii ugu dambeeyay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TORONTO - Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Darawalka waday gaariga dadka la jiirsiiyay ayaa waxa uu isaga baxsaday goobta, hasayeeshee waxaa lagu qabtay meel aan sidaasi goobta uga fogeyn, xabsiga ayaana la dhigay.

Mas'uuliyiinta ayaa sheegaya in aanay weli ogaan sababta qofkaasi laga shakisan yahay ku dhalisay inuu weerrarkan gaysto.

Qof ka mid ah dadkii goobtaasi joogay ayaa sheegay in gaarigu uu ku socday xawaare aad u sarreeya.

Wasiirka Badqabka Dadweynaha ee Canada, Ralph Goodale, ayaa dhacdada ku tilmaamay inay tahay mid khatar ah hasayeeshee waxa uu diiday inuu ka hadlo waxa sababay arrintan.

Kuxigeenka taliyaha booliska Toronto, Peter Yuen, ayaa sheegay in boolisku uu baarayo darawalkii waday gaariga, waxa uuna codsaday in dadkii goobjoogayaasha ah ay la soo xiriiraan.

Weerarka ayaa ka dhacday dhabaha Yonge iyo wadada Finch saacaddu markii ay aheyd 1:30 duhurnimo xilliga Canada, ilaa 2 km ayuuna weerrarku ka dhacay.

Meel halkaasi u jirta 30 km ayaa waxaa ku shirayay wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka ku midoobay G7 ee ku hormuray warshadaha, kuwaas oo ay ka mid yihiin Canada, Mareykanka, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga iyo Japan.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM