​Weerar lagu dilay 35 qof oo ka dhacay Kabul

Image

Ugu yaraan 35 ruux ayaa ku dhimatay tobaneeyo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib marki qof watay baabuur laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu weeraray gaari mini-bus ah oo ay la socdeen shaqaalo ka tirsan kuwa rayidka ee Dowlada Afghanstan oo marayey dhinaca galbeed ee magaalada Kabul.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha oo lagu magacaabo Najib Danish, ayaa sheegay inuu qaraxu dhacay xilli uu baabuurka ay la socdeen shaqaalaha dowlada uu marayey suuq aad mashquul ah oo ku yaalla caasimadda.

Sarkaal u hadlay booliska ayaa VOA-da u sheegay in dadka ku dhintay weerarka ay u badnaayeen shaqaalaha wasaaradda macdanta iyo batroolka Afgnastan.

Madaxweynaha Afghan Ashraf Ghani ayaa cambaareeyey weerarka.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM