Safaaradda Mareykanka ee Turkiga oo Weerar lagu qaadey

Image

ANKARA - Dabley hubaysan ayaa weerar ku qaadey maanta oo Isniin ah Safaaradda Mareykanka ee magaalada Ankara, Caasimadda dalka Turkiga, sida ay Boolisku sheegeen.

Rasaas dhowr ah oo laga soo riday gaari yar oo cad ayaa waxay haleeshay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada ilaalada Safaaradda Mareykanka, mana la oga khasaaraha ka dhashay tacshiiradda.

Weerarka ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xumaanayo xiriirka Turkiga iyo Mareykanka, kaasoo meeshii uguu hooseysay gaarey markii Turkiga xabsiga dhigay Baadariga Andrew Brunson.

Andrew Brunson oo 50 jir ah una dhashay Mareykanka ayaa lagu xiray Turkiga October 2016, isago lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa afgembigii fashilmay ee ka dhacay dalkaasi July, ee 2016.

Brunson ayaa la xiray Oct 2016 isagoo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Afgembigii fashilmay [Sawirka: AFP]

Wadaadkan Kirishtan ah ayaa dhawaan lasoo taagey iyadoo dowladda Turkiga gaashaanka u daruurtay dalab uga yimid maamulka Trump, oo ku aadan in lasoo daayo Andrew Brunson.

Diidmada Xukuumadda Ankara ayaa keentay inuu Mareykanka cunaqabateyn dhaqaale kusoo rogo Turkiga, iyadoo taasi ay sababtay in qiima dhac weyn ku yimaado lacagta dalka Turkiga ee Lira.

Sarkaal katirsan Booliska Turkiga ayaa u sheegay Reuters in lagu raad-jooggo raggii rasaasta ku furay dhismaha Safaaradda, taasoo la sheegay in maalmo kahor loo xiray sababo la xiriira munaasabada Ciidul Adxa.

Safaaradda Mareykanka iyo Qunsuliyadda ee ku yaalla magaalada Ankara ayaa dhowr jeer horey loo weeraray, waxaana mudooyinkii dambe soo wajahay khatar dhanka amniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Japan oo 300 oo Heshiis La Gashay Afrika: Iskaashi Taariikhi ah oo Ka Dhashay Shirka TICAD9

Heshiisyadan ayaa diiradda saaraya dhinacyo muhiim ah oo horumarineed sida: kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka.

  • Caalamka

    24-08-2025

  • 05:05AM

Australia iyo Israel oo Isku Dhacay kadib Markii Netanyahu aflagaadeeyay Anthony Albanese

Netanyahu ayaa si caro leh uga falceliyay, isagoo ku eedeeyay Albanese inuu “ka tegey Yuhuudda Australia.”

  • Caalamka

    20-08-2025

  • 05:55AM