Weerarkii Dallas oo hal qof uu ka dambeeyay

Image

Maamulka dalka mareykanka waxa uu sheegayaa in weerarkii Dallas uu ka dambeeyay qof keli ah.

Weerarkaasi waxaa ku dhintay shan askeri waxaana ku dhaawacmay todobo kale. Waxa uu ahaa 25 sano jir ka mid ahaa ciidamada kayda ee Mareykanka, wuxuuna horey uga soo dagaallamay dalal ay Afghanistan kamid tahay.

Ninkaasi dhallinyarada ah waxaa lagu magacaabay Micah Johnson.

Johnson ayaa rasaas oodda uga rogay ciidamada, kadib markii uu ka carooday dilka dadka madowga ah. Laakiin booliska ayaa markii ay ku guuldareysteen inay xiraan ninka waxay u direen qalab bam lagu xiray oo lagu qarxiyay. Duqa magaalada Dallas, Mike Rawlings, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay in magaaladda hadda ay nab-doontahay. 

Duqa gobolka Texas, Greg Abbott, waxa uu sheegay in ay wanaagsan tahay in lala socdo haddii ay jiraan dad kaloo doonaya inay weerar qaadaan. Guriga ninka weerarka qaaday oo booliska ay baareen waxaa lagu helay qalab bamboo laga sameeyo, qoryo iyo rasaas.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM