Weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo dad loo soo qabqabtey

Image

April 5, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa loo soo qabtey ku lug lahaanshaha weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab labo maalmood kahor kusoo qaaddey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa u sheegay telefishinka CNN in dadkaas xilligan baaritaan lagu wado dhowaanna maxkamad lasoo taagi doono.

Wasiirku faah faahin dheeri ah kama bixin dadkan, gobollada ay kasoo jeedaan iyo qaabka lagu soo qabtey, wuxuuse xusey in macluumaad dheeri ah ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dhanka kale, laamaha ammaanka Kenya ayaa shaaciyey sawirrada iyo magacyada sagaal nin oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin islamarkaana ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalka Kenya.

Magacyada boolisku shaaciyey waxaa kamid ah: Cabdifataax Abuukar Cabdi, Ismaaciil Shosi, Suleymaan Mohamed Cawad, Cabdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed, Muumin Cabdallah Muumin, Hamisi Mwacheti iyo Abubakar Majani.

Si gaar ah, waxay laamaha ammaanka Kenya u raadinayaan Cabdifataax Abuukar Cabdi oo la sheeay inuu ka qayb qaatey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaddey jaziiradda Mpeketoni iyo Ismaaciil Shosi oo isna la sheegay inuu ka qayb qaatey dilka  wadaaddo dhowr ah oo magaalada Mombasa lagu laayey.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM