Weerarkii Jaamacadda Gaarisa oo dad loo soo qabqabtey

Image

April 5, 2015 (GO)- Ugu yaraan shan qof ayaa loo soo qabtey ku lug lahaanshaha weerarkii khasaaraha badan dhaliyey ee Al-shabaab labo maalmood kahor kusoo qaaddey Jaamacadda Gaarisa ee gobolka waqooyi bari Kenya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Kenya Joseph Nkaissery ayaa u sheegay telefishinka CNN in dadkaas xilligan baaritaan lagu wado dhowaanna maxkamad lasoo taagi doono.

Wasiirku faah faahin dheeri ah kama bixin dadkan, gobollada ay kasoo jeedaan iyo qaabka lagu soo qabtey, wuxuuse xusey in macluumaad dheeri ah ay dib kasoo sheegi doonaan.

Dhanka kale, laamaha ammaanka Kenya ayaa shaaciyey sawirrada iyo magacyada sagaal nin oo la sheegay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin islamarkaana ku dhuumaaleysanayaan gudaha dalka Kenya.

Magacyada boolisku shaaciyey waxaa kamid ah: Cabdifataax Abuukar Cabdi, Ismaaciil Shosi, Suleymaan Mohamed Cawad, Cabdalla Salim Marumu, Mohamed Abubakar Mohamed, Muumin Cabdallah Muumin, Hamisi Mwacheti iyo Abubakar Majani.

Si gaar ah, waxay laamaha ammaanka Kenya u raadinayaan Cabdifataax Abuukar Cabdi oo la sheeay inuu ka qayb qaatey weerarkii Al-shabaab kusoo qaaddey jaziiradda Mpeketoni iyo Ismaaciil Shosi oo isna la sheegay inuu ka qayb qaatey dilka  wadaaddo dhowr ah oo magaalada Mombasa lagu laayey.

Weerarkii labo maalmood kahor lagu soo qaadey Jaamacadda Gaarisa wuxuu ahaa kii ugu khasaaraha badnaa ee Al-shabaab ka fuliso gudaha dalka Kenya. 147 qof oo ardey u badnaa ayaa weerarkaas ku geeriyoodey, waxaa sidoo kale ku dhaawacmey ku dhowaad 80 qof oo kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khamenei oo u jawaabay Trump: “Iran marnaba isma dhiibayso”

Xiisadda gobolka ayaa si weyn u kacsan kadib weerarro is-daba joog ah oo u dhexeeyay Israel iyo Iran.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 11:58AM

Trump: Waan ognahay halka uu Khamenei ku sugan yahay, Ma rabno inaan dilno hadda!

Dhinaca kale, Iran ayaa sheegtay in 224 qof lagu dilay, in ka badan 1,000 kalena lagu dhaawacay duqeymaha Israel.

  • Caalamka

    18-06-2025

  • 09:25AM