​Weeraro ka dhacay London iyo Brussels

Image

Wararka naga soo gaaraya magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka ayaa sheegaya in bartmaha magaalada lagu toogtay nin ka dib markii uu toori ku weeraray labo askari.

Muqaalo laga soo duubay halka ay wax ka dhaceen ayaa muujinaya ciidamada ammaanka oo xiray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana halkaasi soo gaaray kooxaha gurmadka degdega.

Qof goobjooge ayaa BBC-da u sheegay in uu maqlay dhawaqa rasaasta, ma cadda in ninka weerarka geystay uu baxsaday iyo inkale.

Mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada booliska ee dalka Belgium-ka.

Dhanka kale laamaha ammaanka ee magaalada London ee dalka Britain ayaa xiray nin looga shakiyay in uu dad ku dhaawacay afaafka hore ee xarunta boqortooda ee Buckingham Palace ka dib markii la dhaawacay labo kamid ah ciidamada booliska.

GO + BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM