WHO oo dunida u dirtay baaq ku aadan la dagaalanka safmarka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa dadka ku nool caalamka waxay ugu baaqdey in ay ka quusan ololaha la dagaalanka safmareenka halista badan ee Coronavirus.

Xilli ay sii kordhayaan kiisaska, dadweynaha ayay ku boorisay xirashada af-saabka, kala fogaanshiyaha iyo talaabooyinka kale ee looga hortago faafitaankiisa oo ay kamid tahay bandow lagu soo rogo magaalooyinka.

Tedros Adhanom, madaxa WHO oo shir jaraa'id ku qabtay qaab fogaan arag ah, ayaa tibaaxay in uu fahansan yahay in dadka qaarkii ay ku daalaan la dirirka aafada, balse wuxuu ku tartarsiiyay naf-hurnimo.

Dagaalanka fayruska ayuu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in lasii waddo illaa laga soo saaro talaalka ama laga cirib-tirayo.

"Ku shaqeynta guriga, caruurta oo meelo fog lagu lagu baro, in aan guulaha lala dabaaldegin saaxiibada iyo qoyska ama aan loo baroor-diiqin kuwa la jecelyahay – way adag tahay waana lagu daalay. Balse ma ahan in aan quusano. Waxaa nagu waajib ah in aanan quusan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Guud ahaan caalamka si gaar ah Yurub iyo Mareykanka waxaa muuqaneysa in kiisaska fayruska ay sii kordhayaan iyaddoo laga cabsi qabo in mar labaad uu soo laba kacleeyo cudurka hadii dadka aysan taxadar muujin.

Macluumaadka ay bixisay Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka ayaa muujinaya in 43 milyan kiisas laga diiwaan-geliyey caalamka, 1.2 milyan kalana ay u geeriyoodeen tan iyo markii uu Shiinah kasoo bilowday 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa’iil oo carqaladeysay gargaarkii Gaza xili ay jirto xabbad-joojin

Gudaha Gaza, dhaqdhaqaaqyada u baahan isku-duwidda ciidamada Israa’iil ayaa iyaguna la kulmaya caqabado.

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 08:22AM

Ciidamo Mareykan ah oo Gaaray Waqooyiga Nigeria

Toddobaadkii dhammaadkiisii hore, rag hubeysan oo watay mootooyin ayaa weera…

  • Caalamka

    17-02-2026

  • 07:44AM