WHO oo dunida u dirtay baaq ku aadan la dagaalanka safmarka Covid-19

Image

WASHINGTON, US – Hay'adda Caafimaadka Aduunka ee magaceeda loosoo gaabiyo WHO ayaa dadka ku nool caalamka waxay ugu baaqdey in ay ka quusan ololaha la dagaalanka safmareenka halista badan ee Coronavirus.

Xilli ay sii kordhayaan kiisaska, dadweynaha ayay ku boorisay xirashada af-saabka, kala fogaanshiyaha iyo talaabooyinka kale ee looga hortago faafitaankiisa oo ay kamid tahay bandow lagu soo rogo magaalooyinka.

Tedros Adhanom, madaxa WHO oo shir jaraa'id ku qabtay qaab fogaan arag ah, ayaa tibaaxay in uu fahansan yahay in dadka qaarkii ay ku daalaan la dirirka aafada, balse wuxuu ku tartarsiiyay naf-hurnimo.

Dagaalanka fayruska ayuu carabka ku adkeeyay in ay muhiim tahay in lasii waddo illaa laga soo saaro talaalka ama laga cirib-tirayo.

"Ku shaqeynta guriga, caruurta oo meelo fog lagu lagu baro, in aan guulaha lala dabaaldegin saaxiibada iyo qoyska ama aan loo baroor-diiqin kuwa la jecelyahay – way adag tahay waana lagu daalay. Balse ma ahan in aan quusano. Waxaa nagu waajib ah in aanan quusan," ayuu hadalkiisa ku daray.

Guud ahaan caalamka si gaar ah Yurub iyo Mareykanka waxaa muuqaneysa in kiisaska fayruska ay sii kordhayaan iyaddoo laga cabsi qabo in mar labaad uu soo laba kacleeyo cudurka hadii dadka aysan taxadar muujin.

Macluumaadka ay bixisay Jaamacadda Johns Hopkins ee Mareykanka ayaa muujinaya in 43 milyan kiisas laga diiwaan-geliyey caalamka, 1.2 milyan kalana ay u geeriyoodeen tan iyo markii uu Shiinah kasoo bilowday 2019-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM