Wiil uu dhalay Mucaamir Qadafi oo lagu afduubtay Lubnaan

Image

12 December, 2015(GO)-Wararka ka imaanaya dalka Lobnaan ayaa sheegaya in kooxa hubaysan afduub u gaysteen wiil ganacsade ah oo dhalay hogaamiyihii hore dalka Liibiya Mucamar Al-Qadafi.

Hannibal Gaddafi, ayaa markii dambe la sii daayay, waxaana ka muuqday jirdil loo gaystay kadib markii uu ka soo muuqday TV laga leeyahay Lubnaan.

Afduubkiisa ayaa loo malaynayaa inay la xiriirto wadaad Shiica ah oo lagu magacaabi jiray Moussa Al-Sadr oo la waayay 1978dii.Waxaana lagu eedayay dowladii waqtigaa jirtay ee Liibiya.

Wiilka uu dhalay Qadafi ayaa codsanayay waqtiga uu Tv-ga ka soo muuqday in la sheego taariikhda wadaadkaas.

Hannibal ayaa ah ganacsade, wuxuuna qabaa haweenay u dhalatay dalka Lobnaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM