World Bank oo deeq maaliyadeed siinaya Somalia 30 sano kadib

Image

NAIROBI, Kenya - Bangiga Adduunka ayaa oggolaaday in $ 80 milyan oo deeq maaliyadeed ah la siiyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya si loogu maal-galiyo dib-u-habayn maaliyadeed ee ay wado Xukuumadda.

Waa lacagtii ugu horeysay oo taakulo ah, oo Bangiga Adduunka uu siiyo Soomaaliya mudo 30 sano, kadib markii dalkan ku yaalla geeska Africa ka dhacay dagaal sokeeye, kaasoo qarxay sanadkii 1991-dii.

World Bank, Deyn-bixiyeha saldhiggiisu yahay Washington, ayaa hakisay xiriirkii Soomaaliya markii ay burburtay dowladdii dhexe, balse wuxuu dib u bilaabay taageerada Soomaaliya 2003, xilligaas oo uu sheegay in uu diiradda saari doono barnaamijyada HIV/AIDS iyo xoolaha oo hay’ado kala shaqeynayo.

Mudadii 30-ka sano ee lasoo dhaafay, World Bank wax amah/deyn ah ma siinin Soomaaliya, maadaama aysan ka jirin dowladda hay’adaheeda maaliyadeed ay xoog badan yihiin, oo isla xisaabtan ka dhex-jiro.

Wadashaqeynta Bangiga Adduunka iyo Soomaaliya waxa uu dib usoo billowday sanadkii 2013 xilligii ay dalka ka jirtay dowladdii uu Madaxweyne Xasan Sheekh uu hogaaminayay, oo soo shaqeysay 2012-2016.

Guddida fulinta Bangiga Adduunka waxuu ansixiyey maalgelin ah $ 60 milyan oo loogu talagalay Mashruuca Dib-u-habaynta maaliyadeed iyo bixinta kharashaadka dowladda gasho iyo $ 20 milyan oo loogu talagalay Mashruuca Xoojinta dakhliga gudaha iyo awoodda maamulka maaliyadeed.

Dhaqaalaha Soomaaliya ayaa la saadaaliyay in uu kordhi doono celcelis ahaan inta u dhaxeysa 3.5 ilaa 4.5 boqolkiiba sanadkiiba 2019-2022, sida uu sheegay bangiga Adduunka.

"Inkastoo beeraha ay fure u yahiin dhaqaalaha, haddana waxay Soomaaliya u nugushahay dhibaatooyin. Sidaa darted, adeegyadda bulshada waxay kaalin weyn ka qaadanayaan koritaanka dhaqaalaha, gaar ahaan dhinaca maaliyadda, gaadiidka iyo isgaarsiinta iyo qaybaha ganacsiga, "ayuu yiri World Bank.

Toddobaadkii hore, Sanduuqa Laagta Adduunka ee IMF, ayaa sheegay inuu filayo in dhaqaalaha Soomaaliya uu kobcayo 3.1 boqolkiiba sannadkan iyadoo 2.3 boqolkiiba kordhay sannadkii 2017, maadaama uu dalka Soomaaliya ka soo kabsanayay abaartii sanadkii hore.

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xilli warbixintii sanadkan soo saartey hay’adda Transparent International lagu sheegay in Soomaaliya wali safka uga jirto liiska dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka.

Mas’uuliyiin sare oo kamid ah dowladda Federaalka, gaar ahaan Xukuumadda ayaa loo xiray musuq-maasuq ay ku sameeyay hantida dadweyne, kuwaasoo uu kamid ah madaxii waaxda casnhuuraha ee Dekadda Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Yahuuda oo duqeyn cusub ku laysay tobanaan qof Falastiini ah

Xiisad ayaa ka taagneyd guud ahaan dhulka la heysto ee Daanta Galbeed tan iyo markii Israa’iil ay billowday duullaan.

  • Caalamka

    18-05-2024

  • 03:26AM

Ra'iisul Wasaaraha Slovakia oo lala beegsaday isku-day khaarijin ah

Robert Fico oo xukunka kusoo laabtey sanadkii hore ayaa u jaranjeera dhanka Ruushka.

  • Caalamka

    16-05-2024

  • 03:40AM