Xaakim hor istaagay xayiraadda socdaalka ee Trump

Image

Xaakim heer federaal ah oo ka shaqeeya gobolka Hawaii, ayaa si kumeelgaar ah u joojiyay mamnuucidda uu madaxweyne Trump saaray dadka ka yimaada 6 dal oo Muslim ah. 

Amarka Trump oo dhaqangeli lahaa 7-da aroornimo saacadda geeska Afrika, ayaa waxaa dacwado ka dhan ah laga furay 7 gobol oo kala ah Washington, New York, Minnesota, Oregon, Massachusetts, Maryland iyo Hawaii.  Dadkan dacwadahan gudbiyay ayaa ku doodaya in amarkan uu hareer marsan yahay shuruucda federaalka Maraykanka ee ku aaddan soogalootiga.

Amarka ayaa dhigaya in muddo 90 cisho ah aan dal ku gal la siin karin muwaadhiniinta dalalka kala ah: Soomaaliya, Suuriya, Liibiya, Sudan, Yemen iyo Iran. Waxa uu sidoo kale muddo 120 cisho ah mamnuucayaa dhammaan qaxootiga. 

Dalka Ciraaq oo todobo ku ahaa dalalkan ayaa liiska laga saaray, ka dib markii uu ogolaaday in muwaadhiniintiisa dooneysa in ay galaan Maraykanka lagu soo rogo baaritaan dheeraad ah.

Derrick Watson xaakimka joojiyey amarka Donald Trump ayaa sheegey madaama qoraalka Donald Trump oo lagu hor-istaagayo dadka ka imaanaya wadamadaan aan lagu magacaabin si gaar ah diidmo dadka Muslimka ah lakiin waxaa ku hoos qarsoon in dalka Mareykanka aysan imaan karin  dad haysta diin gaar ah taasoo ka horimaaneysa dastuurka dalka. 

Donald Trump ayaa ku tilmaamey amarka xaakimkaan mid ka dhigaya dalka Mareykanka wadan tabar daran Isagoo dhinaca kale ku goodiyey in dacwad ka dhan ah amarka xaakimka wasaarada cadaaladu bilaabi doonto.

Maxkamada sare ee dalka Mareykanka ayaa iminka u qaybsan 4 iyo 4 Xaakim kuwa soo kala aaminsan fikirada dimuqraadiga iyo Jamhuuriga.

Xaakimka 9 aad kasoo dhowaan madaxweyne Trump magacaabey ayaa sugaya ansaxinya aqalka  Senate-Ka.

BBC+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Militariga Mareykanka oo beeniyay sheegasho Iran ka soo baxday 

Iran ayaa marar badan ku andacootay weerarro ka dhan ah ciidamada Mareykanka ama xulafadiisa gobolka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 12:15PM

Trump: Mareykanka wuxuu bilaabaya galbinta maraakiibta marinka Hormuz

Marinka Hormuz ayaa ah marin aad muhiim ugu ah ganacsiga caalamka, gaar ahaan dhoofinta shidaalka.

  • Caalamka

    04-05-2026

  • 09:30AM