Xaalada haweenay Hindi ah kuna sugan Soomaaliya oo laga dayriyey

Image

HYDERABAD, Hindiya – Waalidiinta haweenay u dhalatay Hindiya taasoo ay sheegeen in uu guursaday nin ku nool Soomaaliya ayaa ka dayriyey xaalada gabadhooda, sidda uu lagu daabacay bogga maxaliga ah Pledgetimes.com.

Qoyskan ku dhaqan caasimadda gobolka Hyderabad ee Telangana ayaa ku waramay in Inantooda ay seygeeda kala kulmeyso tacadi fara badan.

Dowladda dhexe ee waddanka Hindiya ayay cod dheer kaga dalbadeen in ay ka shaqeyso sidii ay dib ula midoobi lahaayeen gabadhooda.

"Ninka guursaday waa muwaadin Soomaali ah. Wuxuu gabadheeda la guursaday haweenay kale oo ay u dhashay laba ruux, iyaddoo xaaskiisa koowaad ay u hayso afar. Nolosha gabadheeda waxay ku jirtaa halis," ayaa laga soo xigtey.

Qaylodhaanta waalidiinta ayaa kusoo hagaageysa xilli maalmihii lasoo dhaafay uu baraha bulshadda qabsaday muuqaal ay soo duubtay Raheem Unnisa kaasoo ay ku sheegeyso in ay la kulmeyso dhibaatooyin kala duwan oo xoogan.

Sidda uu wariyey bogga Times Now News, Unnisa waxaa 12-sano [April 3, 2008] kahor guursaday nin Soomaali ah laguna magacaabo Cusmaan Faarax Dahir, waxaana ay degan yihiin magaaladda Galdogob ee gobolka Mudug.

Unnisa iyo Daahir ayaa isku guursaday magaaladda Rajender Nagar ee gobolka Hyderabad balse waxay kalkii dambe u soo guureen Soomaaliya.

Bishii hore ayay ahayd markii muwaadiniin Hindi ah kuna xayirmay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ay dowladda Hindiya bilowday in ay daad-gureyso ka markii shirkadii shaqaaleysiisay u diidey mushaharkooda iyo in ay safraan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Donald Trump oo codsi u diray Madaxweynaha Israa’iil si uu u cafiyo Ra’iisul Wasaare Netanyahu

Ilaa hadda ma jiro jawaab rasmi ah oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Netanyahu ama dhinaca garsoorka Israa’iil.

  • Caalamka

    12-11-2025

  • 01:45PM

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM