Xaaladda Caafimaad ee Nawaz Sharif oo aad laga dayrinayo

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa xaaladiisa caafimaad "waxay tahay mid aanan fiicneyn," sidda ay sheegeen dakhaatiirta.

Nawaz, oo 69-sano jir ah, ayaa waxaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaal dowladdu maamusho oo ku yaala magaaladda caanka ah ee Lahore.

Adnan Khan, oo kamid ah dakhaatiirta, ayaa sheegaya in mas'uulkan oo wajahayo xanuuno kala duwan "uu u dagaalamayo caafimaadkiisa iyo noloshiisa".

Cudurada laga soo warinayo ayaa waxaa kamid ah; wadne iyo kaliyexanuun, dhiig kar, macaanka [sokorta] iyo qayb kamid ay shaqada dhiiga oo istaagtay.

Khan ayaa wuxuu ka tirsan yahay dakhaatiir tiradoodu ay gaareyso lix, kuwaas oo xukuumadda u xil-saartay in ay baxnaano degdeg ah u fidiyaan Nawaz.

Nawaz, oo xukamane ah, ayaa wuxuu banaanka ku jooga damaanad kooban, maadaama xabsi uu ugu jiro eedeymo ku aadan musuqmaasuq.

Xisbiga uu ka tirsan yahay, oo banaanbaxyo abaabulay, ayaa dowladda ku eedeeyay in ay u diiday Nawaz codsi damaanad ah si uu dibadda ugu aado daaweyn.

Ra'iisul Wasaare Imran Khan ayaa kadib dhalaaeceyntaas wuxuu amar ku bixiyey "in la qaado talaabo kasta oo lagu daaweynayo Nawaz Shariif".

Shariif, oo saddex jeer ra'iisul wasaare noqday, ayaa 2017-kii waxaa xilka ka xayuubiyey Maxkamadda Sarre kuna xukuntay in uu been u sheegay baarlamaanka.

Xeer-beegtada oo ku eedeysay Nawaz in uu ka been sheegay lacago dowladda soo galay ayaa waxay amar ku bixisay in la baaro suurtogalnimada in uu ku kacay is-dabamarin.

Bishii July ee sanadkii hore 2018-kii, ayaa waxa si lamid ah u qirtay kiisas la xiriira musuqmaasuqa, taasoo keentay in lagu xukumo todoba sano oo xabsi ah.

Hay'adda Isla Xisaabtanka Pkistan ayaa haatan waxay sii waddaa baarlamaanka kiis saddexad oo ku saabsan shirkad qoyskiisu leeyahay oo sameysa caanaha macaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Warsame: Xasan Sheekh wuxuu rabaa doorasho isaga tartame iyo garsoore ka yahay

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa xusay in tallaabadani ay calaamad u tahay marxalad halis ah oo uu dalku galay.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 03:54PM

Maraykanka oo ka Qaaday Cunaqabatayntii Saarnayd Madaxweynaha Venezuela 

Muddadii 90-ka maalmood ahayd ee hore loogu qabtay ayaa ku eg maalinta Jimcaha ah ee soo socota.

  • Caalamka

    02-04-2026

  • 10:39AM