Xaaska Madaxweynaha Zimbabwe oo Tacaddiyo loo haysto

Image

Marwada koobaad ee dalka Zimbabwe Grace Mugabe ayaa dalkeeda ku laabatay iyada oo ka tagtay dalka Koonfur Afrika, ka dib markii ay ku guuldarraysatay in ay u tagto booliiska magaalada Johannesburg si wax looga waydiiyo eedaymo tacaddi oo lagu soo eedeeyay, sida ay saraakiishu sheegaan.

Ma cadda sababta aysan Grace ugu tagin booliiska maadaama oo ay sheegtay un ay u tagi doonto.

Gabadh 20 jir ah oo reer Koonfur Afrika ah ayaa Grace ku eedaysay in ay madaxa wax kaga dhufatay ka dib markii ay ku murmeen huteel habeenkii Axadda.

Grace ilaa iyo hadda kama aysan hadlin eedaynta loo soo jeediyay.

Ilo ka tirsan dawladda Zimbabwe ayaa xaqiijiyay in Grace oo ah xaaska madaxweyne Robert Mugabe ay ku laabatay dalkeeda.

"Haa dalka ayay ku soo laabatay, ma garanayno meesha ay ka socoto arrintan tacaddiga," ayuu yiri sarkaal sare oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

Mar sii horraysay ayay booliiska Koonfur Afrika sheegeen in ay wada xaajood la galeen qareenkeeda si ay booliiska iyadu ugu timaado.

Source: BBC + GO

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM