​Xabad joojin ka dhaqan gashay Suuriya

Image

Xaaladda goobihii ugu darnaa ee duqayntu ka dhacaysay ayaa iminka dagan, waxaana la dareemayaa xasilooni ka dhalatay hishiis ay wada saxiixdeen dalalka kala taageera Dowladda Suuriya iyo Mucaaradka ee Ruushka iyo Maraykanka.

Muddo todobaad ah ayaa labadaasi dowladood ku hishiiyeen in dalkaasi laga dhaqan galiyo xabad joojin rasmi ah.

Balse, warar laga helayo dalkaasi, ayaa sheegaya in la maqlayo xabado goos goos ah kuwaasoo ay is-weydaarsanayaan dhinacyada dalkaasi ku hardamaya.

Magaalada Xalab oo kamid ahayd meelihii ugu darnaa ee duqayntu sida roobka uga da'aysay ayaa maanta dagan, inkastoo goob joogayaal la hadlay warbahinta caalamiga ay caddeeyeen inay jiraan xabado ka dhacaya qoryaha sida daran-dooriga u dhaca.

Dadka u ololeeya nabadda Suuriya waxa ay sheegayaan in heshiiska cusub uu ka dhaqan galay inta badan deegaamadii lagu dagaallamayay.

Mid kamid ah ragga heshiiska horkacaya, Xogahayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka, John Kerry, waxa uu sheegay in hadda ay suuragal tahay in nabad ay ka dhaqan gasho Suuriya midowday.

John Kerry waxa uu hoosta ka xariiqay in carqaladeyn lagu sameeyo xabad joojinta ay jiri karto saacadaha soo socda ama maalmaha.

Waxa uu dhammaan dhinacyada qeybta ka ah ugu baaqay inay u hogaansamaan qodobada ku xusan heshiiska.

Waxa uu sheegay in Ruushka uu ballan qaaday in madaxweyne Asad uu xushmeynayo xabad joojinta.

Dhowr jeer oo hore hishiisyo la galay ayaan u dhaqan galin sidii loogu talo galay, waxaana rabshadaha dalkaasi ka socday galeen sannadkii Shanaad iyo kumanaan qof oo shacab ah ku dhinteen qalalaasaha ka dhashay hogaanka dheeraaday ee Bashaar Al-Asad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM