​Xabad joojinta Yemen oo dhammaatay

Image

Isbaheysiga uu sacuudiga horkacayo ayaa maanta oo Axad ah sii wada duqymaha cirka ee ay ku hayeen baraha Xuutiyiinta eek u yaala agagaaraha magaalada Sanca.

Duqeymahan ayaa ku soo beegmaya saacado ka dib markii uu waqtigu ka dhamaaday xabad joojin socotay 72 saacadood.

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Yemen, Ismail Ould Cheikh Ahmed, ayaa sheegay inuu rajo ka qabay in xabad joojintu ay sii socota – oo ay doonayaan in xabad joojin midda ka balaaran ay ka dhaadhciyaan dhinacyada dhowrka maalmood ee soo socda .

Labada dhinaca ayaa u muuqda inay adeecayaan xabad joojinta in kastoo meelaha qaar laga soo sheegayay intii ay socotay israsaaseyn mararka qaar dhaceysay.

Dagaalada Yemen ayaa bilowday markii Jabahadda Xuutiyiinta ee Shiicada ay ku kaceen dowladda sanadkii 2014kii, waxaana ku dhintay kumanaan qof halka malaayiin kalena ay ku barakaceen.

VOA

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM