Xaggee ka dhacayaa kulanka Trump iyo Kim Jong-un?

Image

WASHINGTON - Warbaahinta dalka Korea-da Koonfureed ayaa sheegay in kulanka aadka loo sugayo ee madaxweynayaasha Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi, Donald Trump iyo Kim Jong Un ay u badan tahay inuu bisha dambe ka dhaco dalka Singapore.

Wargeyska Chosun Ilbo iyo wakaaladda wararka Yonhap oo soo xiganaya ilo-wareedyo aysan magacaabin ayaa sheegay in Mareykanka iyo Korea-da Waqooyi ay isku raaceen in kulanka algu qabto dalka iyo magaalada Singapore, toddobaadka saddexaaad ee bisha June.

Trump ayaa jimcihii u sheegay weriyayaasha in labada dhinac ay “Isku raaceen waqtiga iyo goobta” kulanka.

Dhinaca kale, xukuumadda Pyongyang ayaa Washington uga digtay in rabitaanka nabadeed ee Korea-da Waqooyi aysan u arkin astaan muujineysa tabardarri.

“Mareykanka ayaa si ula kac u daan daansanaya Korea-a Waqooyi, xilli xaaladda jasiirad u yaalka Korea ay u dhaqaaqeyso dhanka nabadda” ayuu yiri afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibedda Korea-da Waqooyi.

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM