Xasarad ka taagan dalka Venazuela

Image
Image
Image

Dowlada dalka Venazuela ayaa ku dhawaaqday in ay ka baxeyso ururka ay ku midobeen dalalka Latiin America kaddib markii ay ku edeysay in ay soo farageliyeen arrimaha dalkaasi.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Venazuela Mr Delcy Rodriguez ayaa sheegay in madaxweyne Nicolás Maduro uu ku amray in uu dalka ka difaaco faragelinta shisheeye, Waxaana arrintani uu ku dhawaaqay waxyar uun kaddib markii dalalka ka tirsan ururkaasi ay u codeyeen in ay qabtaan shir degdeg ah oo ay yeeshaan wasiirada arrimaha dibada ee dalalka Latin America oo ay uga arrinsanayaan xasaradaha dhaqaalaha ee ka taagan dalka Venazuela.

Dibadbaxyadii u dambeeyay ee looga soo horjeedo dowlada dalkaasi oo ka dhacaya caasimada dalka Venazuela ee Caracas ayaa waxaa lagu dilay wiil da' yar oo u dhashay Venazuela kaddib markii ciidamada Booliska ay ku dhufteen sunta dadka ka ilmeysiisa.

Ku dhawaad sodon qof ayaa ku dhimatay dibadbaxyadani looga soo horjeedo dowlad madaxweyne Nicolás Maduro oo dalkaasi ka bilowday muddo bil ka hor, dalalka deriska la ah Venazuela waxaa ay walaac ka muujiyeen deganaansho la'aanta ka jirta dalkaasi.

Madaxweyne Maduro ayaa horay u sheegay in qorshihiisa dhaqaale ee uu suuqa uga saarayo nuqulka lacagta bolivarka dalkaasi oo gaaraysa malaayiin ay burburisay suuqa madow.

Balse arintaasi ayaa dhalisay dibadbaxyo kaddib markii shacabka dalkaasi ay waayen lacago cadaan ah oo ay cunto ku iibsadaan.

BBC

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM