​Xiisad ka dhex oogan Mareykanka iyo Turkiga

Image

WASHINGTON DC- Booqasho diblomaasi sare oo Mareykan ah uu kowdii bsihan ku tagay magaalada ku taalla xadka Syria ee Kobani iyo kulamo uu la yeeshay hogaamiyayaasha Kurdish-ka ayaa xuddun u ah muran sii ballaaranaya oo u dhaxeeya Ankara iyo Washington.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxaa ka carreysiiyey kulan Brett McGurk oo ah ergeyga gaarka ah ee madaxweyne Obama u qaabilsan Syria uu la yeeshay kooxda Kurdish-ka ee PYD, oo Turkiga ay u arkaan inay ku xiran tahay kooxda PKK.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, ayaa isaga oo ka carreysan booqashadaasi waxa uu yiri “Sideen idiin aamni karnaa, ma waxaa saaxiib idin la ah aniga, mise argagixisada ku sugan Kobani”.

Wada-hadal qaatay hal saac iyo 20 daqiio oo jimcihii teleefonka ay ku yeesheen, ayay Anakra sheegtay in Obama uu ugu xaqiijiyey Erdogan in Turkey ay xaq u leedahay inay is-difaacdo, uuna walaac ka muujiyey kooxaha Kurdish-ka ee kusii siqaya dhinaca xuduudda ee magaalada Aleppo.

Taageerada Washington ay siiso kooxda PYD ayaa ah arrinta xuddunta u ah muranka weli socda ee kala qeybinaya Mareykanka iyo Turkiga, iyo go’aanka Mareykanka ee ah in ka adkaanshaha Daacish laga hormariyo in Assad xukunka laga tuuro. 

Xigasho: VOA

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM