​Xiisadda Sacuudiga iyo Iran oo korodhay

Image

Boqortooyada waddanka Sacuudiga ayaa ka hadashay go'aankii shalay ay ku dhawaaqday xukuumadda Iran, kaasoo ahaa inaysan sannadkan Xajka u dirayn muslimiintooda.

Waxay go'aankaasi u cuskatay inay dadkeeda soo xajiya shuruudo badan lagu xiro.

Balse, waxaa ka jawaabtay hadalkaasi boqortooyada Rayad, waxayna tilmaamtay inaysan waxba ka jirin hadalkaasi, iyadoo intaasi raacisay in xujayda Tehran dalbadeen mudaharaadyo taasin aysan dhici karin.

Caadil Al-Jubayr, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga, ayaa tilmaamay in xukuumadda Iran ku khaldantahay inay caburiso muslimiinta gudanaya waajibaadkooda islaamiga ah.

Xajkii sanadkii hore, ayey boqolaal xujey ah oo badi ay u dhaseen Iran ay ku dhinteen wiish ku soo dhacay oo Tehran ku eedeysay madaxda Sacuudiga.

Shilkaasi ayaa khilaafka ugu xooggan ka dhashay, waxaana mas'uuliyiinta Iran falkaasi ku eedeeyeen boqortooyada oo ay tilmaameen inay dayacday wajibkii saarnaa.

Xiisadda u dhexeysa labada dal ee Iran iyo Sacuudiga, ayaa sii kordheysay iyadoo labada awoodood ee gobolka ay kala taageeraan kooxo kala duwan ee ku dagaalamaya Suuriya iyo Yemen.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM