Xildhibaano diiday in RW Somalia matalo madaxweynaha

Image

14 September, 2015(GO)- Xildhibaanada keenay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Somalia ayaa diiday in Ra'isal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid uu u matalo madaxweyne Xasan Sheekh wada-hadalka la shaaciyay ee ku aaddan xallinta  dacwada ka dhanka ah madaxweynaha Somalia.

Xildhibaan Cabdiraxman Xoosh Jibriil oo la hadlay BBC  ayaa sheegay inay diyaar u yihiin xallinta mooshinka ay ka keeneen madaxweyne Xasan Shiikh iyadoo loo marayo qaab wada hadal ah, balse aysan ogolaan doonin in Cumar Cabdirashiid wakiil ka noqdo mas'uulka ugu sareeya Somalia.

Sababta ayuu ku sheegay Xoosh in Ra'isal wasaaraha uusan ahayn cidda eeda laga keenay oo mooshinku ku socdo, sidaa darteed doonayaan inay kala hadlaan Xasan Sheekh.

Dhinaca kale, Xildhibaan Khadiijo Maxamed Diireye ayaa sheegtay inaan loo baahnayn mooshin waqtigan la keeno, iyadoo ku baaqday inay la laalo maadama uu yahay mid sharciga khilaafsan.

Mudda yar ayaa ka hartay xilliga uu soo dhammaanayo kalfadhigga Barlamanka Somalia, waxaana taaggan khilaaf ka dhashay mooshinno iska soo horjeeda oo loo gudbiyay guddoonka Barlamanka dhowaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Cunaqabateyn Cusub Saaray Ruushka

Shirkadda Rosneft, oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka, ayaa sanadkan sheegtay…

  • Caalamka

    23-10-2025

  • 07:42AM

Kaneeco Lagu Arkay Iceland Markii Ugu Horraysay Kaddib Kulayl Xad-dhaaf ah oo Dalkaasi Ku Dhuftay

Cilmi-baarayaashu waxay sheegeen in isbeddelka cimilada, gaar ahaan kulaylka xad-dhaafka ah ee la diiwaangeliyay xagaagan.

  • Caalamka

    22-10-2025

  • 11:26AM