Xildhibaano mooshin ka keenay Madaxweynaha dalka Kenya

Image

16 Octobar, 2015(GO)-105 ka mid ah mudanayaasha Barlamanka Kenya ayaa diyaariyana mooshin looga soo horjeedo Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Eedaymaha ugu weyn ee mooshinka lagu muujiyay, waxaa lagu sheegay in Madaxweynuhu  ku tuntay dastuurka wadanka, sidoo kalana xukuumadiisu diiday kordhinta mushaaraadka Macalimiinta wax ka dhigga Iskuulada Kenya oo dhawaan cabasho darteed joojiyay dhigista duruurta.

Mid ka mid ah xildhibaanada eedaynta usoo jeediyay Madaxweynaha oo lagu magacaabo Suba John Mbadi, ayaa tilmaamay in dhammaadka toddobaadkan mooshinka u gudbin doonaan Guddoonka sare Barlamanka Kenya.

Shirar gaar gaar ah oo Xildhibaanada mooshinka abaabulaya ku lee yihiin magalada Nairobi, ayaa u muuqda kuwo ay kala jiidanayaan dhinacyada isu haaya siyaasadda dalkaasi.

Tirada shakhsiyaadka mooshinka keenay ayaa laga yaabaa inay kororto shirarka socda awgood iyadoo jiraan xod-xodasho hoose oo lagu badaniyo tirada saxiixayaasha mooshinka.

Guud ahaan Xildhibaanada Kenaya ayaa tira ahaan dhan 349 mudane.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM