Xilliga doorashada Somaliland oo la go'aamiyey

Image

(VOA)- Maxkamadda ayaa waxa ay laashay heshiis ay hore si wada-jir ugu gaadheen xisbiyada siyaasaddu in ay doorashooyinkaasi qabsoomaan 15-ka December 2016.

Maxkamadda sare ee Somaliland, ahna maxkamadda dastuuriga ah ayaa go'aamisay in 28-ka bisha March ee sannadka 2017 ay rasmiyan Somaliland uga qabsoomaan doorashooyinka golaha wakiillada iyo madaxweynuhu.

Maxkamadda ayaa waxa ay laashay heshiis ay hore si wada-jir ugu gaadheen xisbiyada siyaasaddu in ay doorashooyinkaasi qabsoomaan 15-ka December 2016.

Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii madaxweynaha Somaliland ka codsaday inay fasiraad sharci ah ka bixiso laba go’aan oo is-diidanaa oo ay kala gaareen golaha guurtida iyo xisbiyada mucaaradka, oo ku saabsanaa waqtiga doorashada.

Madashii go'aankaa lagaga dhawaaqay waxa ku sugnaa Weriyaha VOA Barkhad Kaariye oo warbixintan nooga soo diray.

Halkan ka dhageyso 

VOA

Related Articles

Trump oo ku dhawaaqay go'aan cusub oo ku saabsan dagaalka Iran

Xiisadda gobolka ayaa cirka isku shareertay maalintii Axadda ka dib markii Israa’iil ay duqaysay caasimadda Lubnaan ee Beirut.

  • Caalamka

    09-06-2026

  • 09:06AM

Wararkii ugu dambeeyay dagaalka Israa’iil iyo Iiraan 

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in duqeymaha Lubnaan ay jawaab u ahaayeen gantaallo ay Xisbullah ku ridday dhulka Israa’iil.

  • Caalamka

    08-06-2026

  • 08:45AM