Xiriirka Madaxweynaha Maraykanka iyo Warbaahinta oo xumaaday

Image

WASHINGTON, USA- Qaar kamid ah warbaahinta Caanka ah ee ka howl gasha dalka Dalka Maraykanka ayaa laga mamnuucay Aqalka Cad, sababo uu Madaxweyne Trump ku sheegay inay faafiyaan warar aan sax ahayn oo xigashadoodu liidato.

Jimcihii ayaa tiro hay'ado waaweyn oo kuwa warbaahinta ah, oo ay ku jiraan BBC, CNN iyo the New York Times, waxaa laga reebay ka qayb galka shirarka saxaafadda ee uu qabto afhayeenka madaxweynaha Sean Spicer.

Donald Trump, ayaa sheegay in warbaahintaas ay faafiso warar aan sal iyo raad toona lahayn, wuxuuna qaybtood ku macneeyay Cadowga Maraykanka.

Lama oga waxyaabaha uu qoonsaday Madaxweynaha siyaasaddiisa qalafsantahay, taasoo tan iyo markii la doortay ku kacayay amarro ku cusub dhaqanka hogaanka  USA.

Trump ayaa sheegay inuusan sannadkan ka qayb gali doonin cashada sannadlaha ah ee ururka wariyeyaasha aqalka cad. Tallaabadan ayaa timid ayadoo uu sii xumaanayo xiriirka u dhaxeeya warbaahinta qaarkeed iyo aqalka cad.

Majalladda Vanity Fair iyo warbaahinta Bloomberg ayaa horeba faraha ugala baxay marti galinta xaflad cashadaas ka dambaysa, taasoo la qabto bisha April, ayagoo sababta ku macneeyey sida uu Mr Trump ula dhaqmayo warbaahinta.

Muddo ku dhow 100 sano ayaa sannad kasta waxaa caado ahayd in ururka wariyeyaasha aqalka cad ay casho sameeyaan, taasoo uu madaxweynaha xilka haya ka jeediyo khudbad yara jilicsan.

Tallaabadan ayaa abuuraysa cadaawad u dhaxaysa saxaafadda iyo Madaxweynaha cusub.

Qaybta Warbaahinta u qaabilsan Aqalka Cad ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin tallaabooyinka Saxaafadda qaybteed looga mamnuucay Aqalka Cad.

GAROWEONLINE

Related Articles

Trump oo Hakiyay Duqeymo Dheeraad ah oo Mareykanku ku Qaado Iiraan

Ilaa iyo hadda, Aqalka Cad iyo Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) si rasmi ah ugama aysan hadlin warbixinta.

  • Caalamka

    25-07-2026

  • 07:37PM

Dalalka xubnaha ka ah ICC oo u codeeyey in xilka laga qaado Xeer-ilaaliye Karim Khan

Go’aankan ayaa yimid ku dhowaad laba sano kaddib markii Karim Khan lagu soo…

  • Caalamka

    24-07-2026

  • 07:57PM