​Xubin kamid ah Barlamanka Britain oo la dilay

Image

Jo Cox, oo ah xubin ka tirsan  Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dhimatay ka dib markii lagu toogtay Waqooyiga England, siday warbaahinta dalkaasi u xaqiijiyeen boolisku.

Weerarka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Birstall oo u dhow magaalada Leeds, halkaasi Cox ay u joogtay shir looga doodayay xubinimada Britain ee Midowga Yurub.

Jo Cox ayaa ka tirsaneyd xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka, lama oga sababta loo dilay.

"Jo waa la weeraray waxaa si arxan darro ah u toogtay nin, waxaanu u tagnay iyadoo dhaawac halis ah ka qabtay madaxa dhawr midina la galiyay, Diyaarad ayaan ku qaadnay, dadaal ayaan samaynay laakiin nasiib darro way geeriyootay," Dee Collins, ku simaha madaxa Boliiska Waqooyiga deegaanka Yorkshire oo ah halka Xildhibaankaasi laga soo doortay, ayaa sidaasi warbaahinta u  sheegay.

Bilayska ayaa sheegay in nin 77-sano jir ah sidaan oo kale weerar loogu gaystay goobtaasi kaasoo soo gaaray dhaawac, waloow uusan qur bixin.

Waa qofkii ugu horreeyay ee Xildhibaan ah oo xil haya oo la dilay ilaa dilkii xildhibaan Ian Gow, oo lagu dilay weerarkii IRA sanadkii 1990.

GAROWEONLINE

Related Articles

India: New Delhi oo la geliyay heegan sare kadib qarax dhimasho sababay

Wakaaladda PTI News ayaa ku warrantay in magaalada Delhi lagu soo rogay heegan amni oo sare kadib qaraxa.

  • Caalamka

    10-11-2025

  • 05:09PM

Madaxweynaha Suuriya oo gaaray Maraykanka kadib markii laga saaray liiska argagixisada

Safarka Al-Sharaa ayaa loo arkaa mid calaamad u ah isbedel cusub oo xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Washington iyo Dimishiq.

  • Caalamka

    09-11-2025

  • 07:15AM