​Xubin kamid ah Barlamanka Britain oo la dilay

Image

Jo Cox, oo ah xubin ka tirsan  Baarlamaanka dalka Ingiriiska, ayaa dhimatay ka dib markii lagu toogtay Waqooyiga England, siday warbaahinta dalkaasi u xaqiijiyeen boolisku.

Weerarka ayaa ka dhacay goob lagu magacaabo Birstall oo u dhow magaalada Leeds, halkaasi Cox ay u joogtay shir looga doodayay xubinimada Britain ee Midowga Yurub.

Jo Cox ayaa ka tirsaneyd xisbiga Shaqaalaha ee Labour-ka, lama oga sababta loo dilay.

"Jo waa la weeraray waxaa si arxan darro ah u toogtay nin, waxaanu u tagnay iyadoo dhaawac halis ah ka qabtay madaxa dhawr midina la galiyay, Diyaarad ayaan ku qaadnay, dadaal ayaan samaynay laakiin nasiib darro way geeriyootay," Dee Collins, ku simaha madaxa Boliiska Waqooyiga deegaanka Yorkshire oo ah halka Xildhibaankaasi laga soo doortay, ayaa sidaasi warbaahinta u  sheegay.

Bilayska ayaa sheegay in nin 77-sano jir ah sidaan oo kale weerar loogu gaystay goobtaasi kaasoo soo gaaray dhaawac, waloow uusan qur bixin.

Waa qofkii ugu horreeyay ee Xildhibaan ah oo xil haya oo la dilay ilaa dilkii xildhibaan Ian Gow, oo lagu dilay weerarkii IRA sanadkii 1990.

GAROWEONLINE

Related Articles

Weli waxaa socda qalalaasaha Trump iyo warbaahinta Mareykanka

Khamiistii, shabakadaha waaweyn ee telefishinnada Mareykanka ayaan baahin toos…

  • Caalamka

    25-09-2026

  • 04:56AM

Trump oo Madaxweynaha Shiinaha kala hadlay afar arrimood oo xasaasi ah

Taiwan ayaa ahayd qodob kale oo xasaasi ah, maadaama Beijing ay Taiwan u aragto qayb ka mid ah dhulkeeda.

  • Caalamka

    24-09-2026

  • 01:21PM